HomeCaalamka(SAWIRO): Ciyaartoydii Xulka K/Cagta Kolombiya ee xalay khasaariyey Rigoorayaasha oo loo hanjabay.

(SAWIRO): Ciyaartoydii Xulka K/Cagta Kolombiya ee xalay khasaariyey Rigoorayaasha oo loo hanjabay.

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Labadii Ciyaartoy ee Xulka dalkaasi ee xalay khasaariyey  Rigoorayaasha ayaa la sheegay inay heleen Hanjabaad ku aadan in la dili doono. Warbaahinta Bulshadda ayaana la soo dhigay hadalo aflagaado iyo Hanjabaad loo diray labadaasi Ciyaartoy oo lagu kala magacaabo Mateus Uribe iyo Carlos Bacca, kuwaasi oo aan dhalinin Rigoorayaashii ciyaartii ay xalay la yeesheen Xulka […]

- Advertisement -

Labadii Ciyaartoy ee Xulka dalkaasi ee xalay khasaariyey  Rigoorayaasha ayaa la sheegay inay heleen Hanjabaad ku aadan in la dili doono.

Warbaahinta Bulshadda ayaana la soo dhigay hadalo aflagaado iyo Hanjabaad loo diray labadaasi Ciyaartoy oo lagu kala magacaabo Mateus Uribe iyo Carlos Bacca, kuwaasi oo aan dhalinin Rigoorayaashii ciyaartii ay xalay la yeesheen Xulka K/cagta ee dalka Britain.

- Advertisement -

Ciyaartoyga Mateus Uribe waxa uu laadkiisa Rigooraha ku dhuftay Birta Goosha, halka Ciyaartoyga kale ee Carlos Bacca laadkiisa uu badbaadiyey Gool-hayaha Xulka Britain ee lagu magacaabo Jordan Pickford.

 Ciyaartoyda Xulka K/cagta ee loo hanjabay waxay walaac ka muujiyeen Digniinta lagu sheegay in la dili doono haddii ay Kolombiya dib ugu soo laabtaan.

- Advertisement -

Taageerayaasha dalka Kolombiya waxaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwo ay madax martay inay Ciyaartoyda u hanjabaan, isla markaana ay dilaan haddii ay guul-darro u soo hooyaan dalkaasi.

Shalay oo Xulka K/cagta ee Kolombiya ka hareen Is-reebreebka Koobka Adduunka ee ka socda dalka Raashiya waxay ku beegnayd sannad-guuradii 24-aad markii ay Taageerayaasha dalkaasi toogasho ku dileen Ciyaartoy lagu magacaabi jirey Andrés Escobar Saldarriaga  kaasi oo Xulkiisa ka dhaliyey gool ay kaga hartay Koobkii Adduunka ee sannadkii 1994-kii  la galeen Xulka Maraykanka.

Ciyaartoygaasi oo lagu naanaysi jirey “The Gentleman” waxaa lagu yaqiinay qaab ciyaareed nadiif ahaa.

Andres Escobar oo  27-jir ah waxaa la toogtay 10-maalmood kadib, markii uu gool si qaldan uga dhaliyey Xulkiisa oo ay la galeen Xulka K/Cagta Maraykanka, taasi oo Xulka K/cagta Kolombiya uga hareen Tartankaasi

WQ: Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories