HomeCaalamka(MUUQAAL): Dad ku dhex ololay shil gaari oo saakayto ka dhacay Kenya.

(MUUQAAL): Dad ku dhex ololay shil gaari oo saakayto ka dhacay Kenya.

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

9 qof ayaa geeriyootay, halka ugu yaraan 20-kalena ku dhaawacmeen shil gaari oo Aroortii hore ee saakayto ka dhacay Waddada weyn (highway) ee isku xirta magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa. Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay isku dhaceen Bas ay dad rakaab ah la socdeenrakaab iyo gaari Xamuul meel ku dhow Deegaanka Suldaan Xaamuud oo u dhow […]

- Advertisement -

9 qof ayaa geeriyootay, halka ugu yaraan 20-kalena ku dhaawacmeen shil gaari oo Aroortii hore ee saakayto ka dhacay Waddada weyn (highway) ee isku xirta magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay isku dhaceen Bas ay dad rakaab ah la socdeenrakaab iyo gaari Xamuul meel ku dhow Deegaanka Suldaan Xaamuud oo u dhow Degmadda Email oo 125 KM dhanka K/bari kaga toosan  magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Shilkaasi ayaa dhacay, kadib, markii ay weji-ka-weji iskugu dhaceen Gaari Bas oo ay leedahay Shirkadda BusCar Company ee magaalladda Mombasa iyo Gaari Xamuul, iyadoo olol weyn kacay markii ay isku dhaceen labada gaari.

Dadka ku geeriyooday shilkaasi waxaa la dhigay Qaboojiyaha Isbitaalka Makindu Hospital, halka dadkii sida xun ugu dhaawacmay shilkaasi ayaa  la dhigay Isbitalka Kalkaalisnimadda ee Kilome Nursing Home for medication oo aan ka fogeyn goobta uu shilku ka dhacay.

Taliyaha Boliska Gobalka Makueni, Maxamed Maalim ayaa sheegay inay baarayaan waxa sababay shilkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid aad iyo aad u xun.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in Baska shilka galay ku sii jeeday magaalladda Mombasa, markii ay masiibadaasi dhacaysay.

Shilalka gaadiidka ee ka dhaca dalka Kenya waxaa la sheegay inay sii kordhayaan, iyadoo sannad kasta ay 3,000 ilaa 18,000 oo qof ku geeriyoodaan shilalka ka dhaca dalkaasi, sida lagu qoray Istaastisikadii ugu dambaysay ee lagu qoray Websaytka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SHILKAASI:

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories