HomeCaalamkaSarkaal Maraykan oo shaki geliyey Hawlgalka Komaandooska Soomaaliya ee Xilliga Kala-guurka kadib.

Sarkaal Maraykan oo shaki geliyey Hawlgalka Komaandooska Soomaaliya ee Xilliga Kala-guurka kadib.

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ciiddanka Tababaran ee Somalia oo waqti kooban ka hoe lagu wargeliyo Hawlgalladda ay Maraykanka ka fuliyaan Somalia. Fw:   Wargeyska POLITICO ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray Warbixin dheer oo uu Cinwaan uga dhigay:  Sirta ka dambaysa Sagaalka Maraykanka ka wadaan gudaha Qaaradda Afrika.   Kooxaha Milliteriga Maraykanka ee fuliya Hawlgalladda Khaaska waxay ciyaarayaan […]

- Advertisement -

Ciiddanka Tababaran ee Somalia oo waqti kooban ka hoe lagu wargeliyo Hawlgalladda ay Maraykanka ka fuliyaan Somalia.

Fw:

- Advertisement -

 

Wargeyska POLITICO ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray Warbixin dheer oo uu Cinwaan uga dhigay:  Sirta ka dambaysa Sagaalka Maraykanka ka wadaan gudaha Qaaradda Afrika.

 

- Advertisement -

Kooxaha Milliteriga Maraykanka ee fuliya Hawlgalladda Khaaska waxay ciyaarayaan door weyn oo toos ah Hawlgalladda lagula dagaalamayo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ee ka hawlgala Qaaradda Afrika sida ay Waaxda Difaaca Maraykanka “The Pentagon”-ka  horey u shaacisay.

Ciiddanka Khaaska Maraykanka waxay qorsheyeeaan, kana qeyb qaataan Hawlgalladda Wadajirka ee laga fuliyo dalal ay ka mid yihiin Somalia, Kenya, Tunisia iyo Niger.

Laakiin, ugu yaraan shantii sanno ee la soo dhaafay, Komaandoodka Maraykanka ee

Green Berets, Navy SEALs iyo kuwa kale waxay ku hawl-galaan wax yar oo Awood la fahmi kara, waxayna qorsheeyaan oo ay kontoroolaan qaar ka mid ah Hawlgalladaasi, iyagoo ka dhigaya inay mas’uul yihiin Ciiddanka Afrika ee ay isla shaqeeyaan.

Jeneral Donald Bolduc oo tan iyo bishii June ee sannadkii hore Taliye u ahaa inta badan Ciiddamadda Maraykanka ee Hawlgalladda Khaaska ah ka fuliya Qaaradda Afrika oo la hadlay Wargeyska POLITICO ayaa sheegay inaysan Hawlgalladooda Khaaska ahayn mid ku kooban La-talin, Taageero iyo inay gelbiyaan Ciiddamadda kale ee ay ka wada shaqeeyaan, balse ay xitaa si toos ah u maamulaan Barnaamijyadooda.

Waxa kale oo uu Jeneral Donald Bolduc sheegay in ay Barnaamijkooda diiradda ku saaraan Hawlgalladda Sirdoonka iyo Weeraradda Tooska oo ay si wadajir u qaadaan Ciiddanka Marayknka iyo  Komaandooska Afrikaanka si loo beegsado bar-tilmaameedyadda Maleeshiyadda.

Waaxda Difaaca Maraykanka iyo Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM waxay beeniyaan inay Hawlgal noocaasi ah ka fuliyaan Qaaradda Afrika.

Dowlado Afrikaan oo ka hor yimid arrintaasi ayaana jira, iyadoo Madaxweynaha dalka Kaamiruun ku adkeystay inuu  xaqiijiyo Hawlgalladda ay Milliteriga Khaaska ee Maraykanka ka fuliyaan gudaha dalkiisa.

Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay dalka Kaamiruun, Michael Hoza waxa u utilmaamay inuu Madaxweynaha Kaamiruun ku sababeeyey inuusan doonayn inay Askarta Maraykan ah waxyeello kala kulmaan arrintaasi.

Wargeyska POLITICO waxa uu qoray inay Somalia tahay waddan kale oo doonaya inay marti-geliyaan, soona dhaweeyaan Awooddaha Unugyadda fulin kara  Hawlgalladda ogeysiiska kooban leh ee ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab, iyagoo taakuleyn ka helaya Helikoptarada Milliteriga Maraykanka.

Danjirihii Maraykanka u joogay Somalia, Ambassador said Steven Schwartz oo Wareysi bixiyey ka hor inta uusan iska casilin Xilkaasi waxa uu tilmaamay in dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda ay Milliteriga Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia in la fuliyo, iyadoo DFS taageero buuxda ka haystaan.

Taliyihii hore ee inta badan Ciiddamadda Maraykanka ee Hawlgalladda Khaaska ah ka fuliya Qaaradda Afrika, Jeneral Donald Bolduc waxa uu sheegay in Komaandooska Soomaalida ee ku tiirsan Taageeradda Helikoptarada Maraykanka ma awoodi doonaan inay iskooda u hawl galaan xilliga Kala-guurka ee ay la wareegaan  Hawlgalladda Ammaanka ee dalka Somalia.

Si kastaba haahaatee, Saraakiisha Hawlgalka AMISOM waxay horey walaac uga muujiyeen inay Ciiddanka DFS awoodi karaan Ammaanka Somalia, marka Ciiddanka AMISOM ka wada huleelaan gudaha Somalia.

Xigasho: politico.com

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories