HomeCaalamkaMuwaadiniinta Shiinaha oo looga digay inay u safraan Maraykanka.

Muwaadiniinta Shiinaha oo looga digay inay u safraan Maraykanka.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Safaaradda Shiinaha ee magaalladda Washington ayaa soo saartay Digniin dhinaca Ammaanka ee Muwaadiniintooda u socdaalaysa dalka Maraykanka, waxayna Digniintan soo baxday xilii ay xiisad dhinaca Ganacsiga ka dhexeyso labada dal. Safaaraddu waxay Dalxiisayaasha Shiinaha uga digeen inay ku baraarugsanadaan arrimaha oo ay ku jiraan Kharajka Cafaimaadka ee qaalliga ah, cabsida Toogashadda, dhaca, qabsashadda Wakiilladda Canshuuraha. […]

- Advertisement -

Safaaradda Shiinaha ee magaalladda Washington ayaa soo saartay Digniin dhinaca Ammaanka ee Muwaadiniintooda u socdaalaysa dalka Maraykanka, waxayna Digniintan soo baxday xilii ay xiisad dhinaca Ganacsiga ka dhexeyso labada dal.

Safaaraddu waxay Dalxiisayaasha Shiinaha uga digeen inay ku baraarugsanadaan arrimaha oo ay ku jiraan Kharajka Cafaimaadka ee qaalliga ah, cabsida Toogashadda, dhaca, qabsashadda Wakiilladda Canshuuraha. Khiyaanadda dhinaca Isgaarsiinta iyo Masiibooyinka Dabiiciga

- Advertisement -

Digniintaasi oo lagu soo daabacay Websaytka Safaaradda Shiinaha ku leedahay Maraykanka waxaa kaloo Muwaadiniintooda looga digay inaysan keligooda habeenkii socdaalin iyo inay taxadar u yeeshaan waxa ka dhacayo hareerarhooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha oo wax laga weydiiyey Digniintaas waxay sheegtay inay caadi tahay in Muwaadiniinta looga digay dhacdooyinka ay la kulmi karaan, iyadoo ay Dalxiisayaal badan xilliyadda Kulaylaha u soo socdaalaan Maraykanka

Digniintan waxay ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Shiinaha iyo Maraykanka isku maan-dhaafsan yihiin Canshuuraha laga qaado Badeecadaha loo ganacsi geeyo labadaas Waddan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories