HomeCaalamkaMidowga Afrika oo walaac ka muujiyey Weeraradda Alshabaab iyo Daacish iyo dhimista...

Midowga Afrika oo walaac ka muujiyey Weeraradda Alshabaab iyo Daacish iyo dhimista Ciiddanka AMISOM.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Wasiiradda ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu lafa-guray Warbixinta Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee  dib-u-eegista Wadajirka ee QM iyo AU-da ee Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo cusbeynaysiin lahaa Fasaxa Hawlgalka ee AMISOM. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika (PSC) waxay Kulankoodii 782-aad ku […]

- Advertisement -

War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Wasiiradda ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu lafa-guray Warbixinta Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee  dib-u-eegista Wadajirka ee QM iyo AU-da ee Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo cusbeynaysiin lahaa Fasaxa Hawlgalka ee AMISOM.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika (PSC) waxay Kulankoodii 782-aad ku yeesheen Caasimadda dalka Kaamiruun ee Nawakshood, waxayna shirkooda ka soo saareen War-murtiyeed ka koobnaa 24 qoddob.

- Advertisement -

Goluhu waxa uu ku taliyey in loo baahan yahay in la hakiyo qorshaha 1,000 Askari oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM lagu dhimayo bisha October ee sannadkan 2018-ka.

Goluhu waxa uu walaac xooggan ka muujiyeen Awoodaha Alshabaab ee ay ku geystaan weeraradda ay la beegsadaan Ciiddanka AMISOM, kwua DFS iyo dadka rayidka ah, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Waxay kaloo walaac ka muujiyeen Dagaalladda ay Maleeshiyadda Kooxda Daacish-ta ka wadaan Deegaanadda Puntland iyo K/Galbeed iyo Deganaansho la’aanta sii socota ee ka jira dalka.

Golaha Nabadda iyo Ammanka ee AU-da (PSC) waxay ka tacsideeyeen Askartii AMISOM eek u dhintay ama ku dhaawacmay iyagoo ku hawlan Nabadda, Ammaanka,  Deganaanshaha iyo Dib-u-heshiisiinta Somalia.
Goluhu waxay  mar kale u mahad celiyeen QM, Midowga Europe iyo Saaxiibadda kale ee taageeradda ka geysta Hawlgalladda ay AMISOM kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Taageeradda ay dalalkaasi iyo Ururradda Caalamiga siiyaan AMISOM iyo DFS.

Golaha Nabadda iyo Ammanka ee AU-da (PSC) waxay DFS ku amaaneen sida ay uga go’an tahay Xilliga Kala-guurka iyo tallaabooyinkii dhawaan lagu hagaajiyey Maamulka iyo Maareynta Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNSF.

Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammanka ee AU-da (PSC) waxay ka codsadeen QM inay si dhow u wada shaqeeyaan 3-da bilood ee soo socota iyo in dib loo eego Awoodaha lagu soo kordhinayo AMISOM, oo ay ka mid yihiin Helikoptarada Dagaalka, si ay u taageeraan Hawlgalkodoa.

Goluhu waxa kale oo ay soo dhaweeyeen Heshiisyaddii lagu gaaray  Shirkii 7-aad ee Golaha Amniga Qaranka ee khuseeya Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories