HomeCaalamkaMaxaa ka dhalan kara cunaqbataynta Maraykanka ee Shidaalka Iiraan ?

Maxaa ka dhalan kara cunaqbataynta Maraykanka ee Shidaalka Iiraan ?

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu dhawaan ugu baaqay dalalka ay Isbahaysiga yihiin inay joojiyaan Shidaalka ay ka soo iibsadaan Iiraan, si Go’doomin dhinaca Dhaqaalaha la geliyo dalkaasi. Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani waxa uu ka hor yimid Qorshahaasi, wuxuuna ku goodiyey inay khatar ka dhalan karto Cunaqabatayntaasi. Waxa uu sheegay haddii uu Maraykanka taaba-geliyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu dhawaan ugu baaqay dalalka ay Isbahaysiga yihiin inay joojiyaan Shidaalka ay ka soo iibsadaan Iiraan, si Go’doomin dhinaca Dhaqaalaha la geliyo dalkaasi.

- Advertisement -

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani waxa uu ka hor yimid Qorshahaasi, wuxuuna ku goodiyey inay khatar ka dhalan karto Cunaqabatayntaasi.

Waxa uu sheegay haddii uu Maraykanka taaba-geliyo arrintaasi inay xayiri doonaan Gacan-biyoodka Homuuz ee ay maraan inta ugu badan Maraakiibta Shidaalka ka qaada dalalka Bariga Dhexe.

- Advertisement -

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Siyaasadda Qorsheynta, Brian Hook waxa u ushalay u sheegay Saxaafadda inaysan Iiraan ahayn dal caadi ah, wuxuuna sheegay in loo baahan yhaay inay taaba geliyaan 12-kii Qoddob ee ay Iiraan ka dalbadeen.

Waxa uu tilmaamay inaysan Istaraatijiyadda cusub ahayn in la bedelo Dowladda Iiraan, balse ay tahay Tallaabo lagu bedelayo waxa uu ugu yeeray Dabeecadaha Hoggaaminta ee dalak Iiraan.

Cunaqabataynta Cusub ee Mraaykanka la maagan yihiin Iiraan ayaa la sheegay in la dhaqan gelin doono bisha soo socota ee August 4-da, iyadoo la begsan doono Gaadiidka Iiraan iyo Ganacsiga Dahabka iyo Biraha kale ee muhiimka ah.

Cunaqabatayn kale ayaa la filayaa in la soo rogo bisha November 6-da ee saannadkan, iyadoo diiradda la saarayo dhinaca macaamilaadka la xiriira Shidaalka iyo Bangiga Dhexe ee Iiraan.

Dowladad Maraykanka waxay Tallaabooyinkan ku dhawaaqday 2 bilood kadib, markii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ku dhawaaqay inay ka baxeen Heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ee ay Quwadaha waa weyn wax ka saxiixeen sannadkii 2015-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories