HomeCaalamka(LA-YAABKA): Qoys la sheegay inay ilko dadeed ka dhex heleen Rooti...

(LA-YAABKA): Qoys la sheegay inay ilko dadeed ka dhex heleen Rooti ay ku quraacan lahaayeen

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Qoys ku nool Degmadda Seydikemer ee Gobalka Mugla ee K/galbeed ee dalka Turkiga waxay argagax ka qaadeen markii ay Rootiga nooca waa weyn ee la jarjaro laga dhex helay  nus dersin oo Ilko ah. Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi waxay maanta baahiyeen Dhacdadaasi oo ka dhacday Degmadda Seydikemer, iyadoo Odayga Reerka oo rootigaasi quraac ahaan loogu […]

- Advertisement -

Qoys ku nool Degmadda Seydikemer ee Gobalka Mugla ee K/galbeed ee dalka Turkiga waxay argagax ka qaadeen markii ay Rootiga nooca waa weyn ee la jarjaro laga dhex helay  nus dersin oo Ilko ah.

Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi waxay maanta baahiyeen Dhacdadaasi oo ka dhacday Degmadda Seydikemer, iyadoo Odayga Reerka oo rootigaasi quraac ahaan loogu geeyey ayaa arkay Ilka ku dhex jira Rootiga.

- Advertisement -

Waxa uu xaaskiisa si xanaaq leh ku yiri: “Maxaad ilkahaaga u soo dhex gelisay Rootiga?”.

Xaaska oo 60-jir ahayd oo dhex joogtay Xero ay Ido ku siinaysay caws waxay u sheegtay Saygeeda inaysan iyada lahayn Ilkaha laga dhex helay Rootiga.

- Advertisement -

Maamadda oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay in Ilkaheeda Macmalka ay ku jiraan Afkeeda, waxayse tilmaamtay in mid ka mid ah Shaqaalaha Foornadda Rootiga ay ilkihiisa ku dhaceen markii uu Rootiga samaynayey.

Waxay sheegtay in Milkiilihii lahaa Ilkahaasi uu imaan karo, si ay u siiso Ilahaasi oo lagu qiimeeyey 2,000 oo Lacagta Liiraha Turkiga.

Waxay Suxufiyiinta tusisay Rootigii ilkaha ku jireen oo ay kor u haysay, sida lagu soo daabacay Shabakadda Wargeyska Maalinlaha ee Hurriyet ee ka soo baxa Turkiga.

WQ; Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories