HomeCaalamka(SAWIRO): Maraykanka oo sheegay in Ammaanka Soomaaliya muhiim u yahay Ammaanka Bariga...

(SAWIRO): Maraykanka oo sheegay in Ammaanka Soomaaliya muhiim u yahay Ammaanka Bariga Afrika.

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Cirka ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto William Prendgast waxa uu hadalkaasi ka sheegay  Munaasabad lagu soo gebagebeynayey Carbiskii Milliteri ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey magaalladda Jinja ee dalka Uganda. William Prendgast oo ah Madaxa Wafdigii Milliteriga Maraykanka uga qeyb galay Carbiskii Ciiddamo ka socday dalalka Bariga Afrika iyo […]

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Cirka ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto William Prendgast waxa uu hadalkaasi ka sheegay  Munaasabad lagu soo gebagebeynayey Carbiskii Milliteri ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey magaalladda Jinja ee dalka Uganda.

William Prendgast oo ah Madaxa Wafdigii Milliteriga Maraykanka uga qeyb galay Carbiskii Ciiddamo ka socday dalalka Bariga Afrika iyo kuwo Reer Galbeed sida wadajirka ah ugu sameeyeen Uganda.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inuu Carbiskaasi ahaa mid muhiim u ah Hawlgalladda Wadajirka ee lagu soo celinayo Ammaanka Mandiqadda Geeska Afrika.

“Ammaanka Somalia waa Ammaanka Bariga Afrika, wuxuuna muhiim u yahay Hawlgalladda Wadajirka ee lagula dagaalamayo Colaadda Xag-jirayaasha” ayuu yiri Sarkaalkaasi oo intaasi ku daray in Carbiska laga kororsaday Aragtida Ammaanka Somalia iyo Xilliga Kala-guurka ee ay Hawlgalka AMISOM ku wareejinayaan Ciiddanka DFS hawlaha sugidda Ammaanka iyo Nabadda Somalia.

- Advertisement -

Jeneral William Prendgast waxa uu xusay in Hawlgalka AMISOM qeyb ka yahay Dhismaha Deganaanshaha iyo Nabadda Qaaradda Afrika..

Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Ciiddanka Uganda, Jeneral Wilson Mabadi oo ka hadlay Munaasabadda lagu soo xiray Tababarka Ciiddamadda ayaa sheegay in Hawlgalladda Isku-dhafka ee lagu taageerayo Nabadda aysan ka macaashaynin Somalia oo keliya, balse ay faa’ido u tahay dalalka caalamka ee ay colaadaha iyo iska horimaadyada ka jiraan.

Carbiska Milliteri ee Sannadlaha ee dhawaan lagu soo gebagebeeyey dalka Uganda ayaa la sheegay inay dulucdiisa ku jiheysnaa u diyaargarowga Xilliga Kala-guurka ee ay Ciiddanka AMISOM  ugu wareejinayaan Ciiddanka DFS sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Tababarkaasi oo socday muddo 12 maaalmood ah, waxaa ka qeyb galay ciiddamo tiradoodu dhamayd 180 Askari oo ka kala socday dalalka Uganda, Somalia, Maraykanka, Rwanda, Britain, Holland, Talyaaniga, Burundi, Kenya iyo Tanzania.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories