HomeCaalamkaHoggaamiyayaal Carbeed oo Hambalyadda 1-da Luulyo u soo diray Madaxda Qaranka Somalia

Hoggaamiyayaal Carbeed oo Hambalyadda 1-da Luulyo u soo diray Madaxda Qaranka Somalia

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Amiirka dalka  Qatar,  Sheekh Tamiim Bin Xamaad Al-thaani iyo Ku-xigeenkiisa, Amiir Sheekh C/llaahi Bin Xmaad Al-thaani waxay Khadka Telefoonka kula soo xirireen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Faramaajo, iyagoo ugu hambalyeeyey Munaasacadda Maalinta Xorriyadda Qaranka Somalia oo shalay loo dabaal-degay. Sidoo kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheekh  C/llaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al-thaani waxa uu Khadka […]

- Advertisement -

Amiirka dalka  Qatar,  Sheekh Tamiim Bin Xamaad Al-thaani iyo Ku-xigeenkiisa, Amiir Sheekh C/llaahi Bin Xmaad Al-thaani waxay Khadka Telefoonka kula soo xirireen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Faramaajo, iyagoo ugu hambalyeeyey Munaasacadda Maalinta Xorriyadda Qaranka Somalia oo shalay loo dabaal-degay.

Sidoo kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheekh  C/llaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al-thaani waxa uu Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ugu hambalyeeyey Dabaaldegga Munaasbadda Maalinta Xorriyadda Qatanka Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Kuweyt, Marsuuq Al-qaniim waxa uu Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Guddoonka Labada Gole ee Barlamaanka Somalia, Munaasbaadda Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha Barlamaanka Kuweyt waxa uu la soo hadlay Guddoomiyayaasha Barlamaanka Federalka, Maxamed Mursal C/raxmaan iyo Aqalka Sare ee Senedka, Cabdi Xaashi C/llaahi, wuxuuna ugu hambalyeeyey Munasabadda Maalinta Qaranka Somalia ee 1-da Luulyo.

Latest stories