HomeCaalamkaShir Madaxeedka Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Mauritania iyo Wafdi ka...

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Mauritania iyo Wafdi ka socda dowladda Somaliya oo qeyb galaya

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uu ka furmo shir Madaxeedka Midawga Afrika,waxaana ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shirkaas ka qeyb galaya. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa dalkaasi gaaray wafdi uu hoggaminayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) si […]

- Advertisement -

Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uu ka furmo shir Madaxeedka Midawga Afrika,waxaana ku sugan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shirkaas ka qeyb galaya.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa dalkaasi gaaray wafdi uu hoggaminayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) si ay shirkaasi uga qeyb galaan.

- Advertisement -

Shirkas ayaa qodobada looga hadli doona ka mid ah sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa si loo gaaro horumar ballaaran oo ay qaaraddu ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Latest stories