HomeCaalamkaTahriibayaal Somali ah oo lagu qabtay Xuduudka Norway

Tahriibayaal Somali ah oo lagu qabtay Xuduudka Norway

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

3 Muhaajiriin Somali ah iyo mid u dhashay dalka Jabuuti ayaa lagu qabtay Xadka Norway la wadaagto dalka Raashiya. Taliyaha Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Norway, Roger Jakobsen waxa uu u sheegay Wargeyka The Barents Observer inay dhallinyaradaaasi qabteen, xilli ay doonayeen inay ka soo dusaan Xuduudka, iyagoo jaray Siligii Xayndaabka ee ay kaga so […]

- Advertisement -

3 Muhaajiriin Somali ah iyo mid u dhashay dalka Jabuuti ayaa lagu qabtay Xadka Norway la wadaagto dalka Raashiya.

Taliyaha Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Norway, Roger Jakobsen waxa uu u sheegay Wargeyka The Barents Observer inay dhallinyaradaaasi qabteen, xilli ay doonayeen inay ka soo dusaan Xuduudka, iyagoo jaray Siligii Xayndaabka ee ay kaga so otallaabeen Xuduudka Raashiya.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay Ilaaladda Raashiya ku soo wargeliyeen arrintaasi.

Wargeyska kale ee Murmanski Vestnik ee ka soo baxay Raashiya waxa uu shalay soo daabacay Sawiro muujinaya siliga ay jareen, kana soo duseen Dhallinyaradaasi.

Wargeyska waxa uu  qoray in Dhallinyarada la qabtay ahaayeen Afrikaan oo 3 ka mid ah ka soo jeedaan Somalia, oo mid uusan weli qaan-gaarin,  halka midka kalena uu ahaa Jabuutiyaan.

- Advertisement -

Ilaaladda Xuduudka Norway ee loo yaqaano FSB waxay sheegeen inay Muhaajiriintaasi ku joojiyeen Xuduudka, balse faahfaahin kala kama bixinin, iyadoo ay Norway iyo Raashiya wadaagaan xuduud dhererkiisu dhan yahay 195-Kiilomitir.

Dhinaca kale, Muhaajiriinta Soomaalida iyo Jabuutiyaanta ee lagu qabtay Xuduudka Norway  waxaa haatan lagu hayaa Xarun dadka Dacwad-sugayaal ah, waxaana laga yaabaa inay muteysan Xabsi ilaa 6-sanno ah qofkiiba.

Latest stories