HomeCaalamkaSomalia iyo Uganda oo ka wada hadlay Wadaagista Arrimaha Sirdoonka

Somalia iyo Uganda oo ka wada hadlay Wadaagista Arrimaha Sirdoonka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Taliyaha Ciiddanka Qaranka Somalia, Jeneral C/weli Jaamac Xuseen oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay dalka Uganda waxa uu dhigiisa dalkaasi, Jeneral David Muhoozi kulan kula yeeshay  Xarunta Taliska Dhexe ee Ciiddanka Difaaca Uganda oo ku taalla Buurta Mabuya ee K/bari ee magaalladda Kampala. Labada Taliye waxay ka wada hadleen Hawlgalka AMISOM, Ammaanka Gobalka iyo sidii […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Qaranka Somalia, Jeneral C/weli Jaamac Xuseen oo maalmahan booqasho hawleed ku joogay dalka Uganda waxa uu dhigiisa dalkaasi, Jeneral David Muhoozi kulan kula yeeshay  Xarunta Taliska Dhexe ee Ciiddanka Difaaca Uganda oo ku taalla Buurta Mabuya ee K/bari ee magaalladda Kampala.

Labada Taliye waxay ka wada hadleen Hawlgalka AMISOM, Ammaanka Gobalka iyo sidii ay labada dhinac u wadaagi lahaayeen Hawlaha Sirdoonka ee La-dagaalanka Alshabaab.

- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Qaranka Somalia, Jeneral C/weli Jaamac Xuseen waxa uu Dowladadda Uganda kaga mahad celiyey dadalkooda ku aadan Dhismaha Awoodda ee Ciiddanka Qaranka Somalia iyo kaalinta ay Ciiddankooda ka qaataan Hawlgalka AMISOM.

Waxa kale oo uu ka mahad celiyey Taageeradda ay Dowladda Uganda siiyaan Hawlgalka AMISOM, iyadoo Ciiddanka Uganda yihiin kuwa uga badan ee qeybta ka Hawlgalak AMISOM.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Uganda, Jeneral David Muhoozi oo ka hadlay Qaabilaadaasi waxa uu sheegay inay Dowladiisa ka go’an tahay  dhamaystirka Waajibaadka Ammaanka ee lagu hubinayo Nabadad Gobalka iyo Deganaanshaha.

- Advertisement -

Kulanka Taliyayaasha Ciiddamadda ee Somalia iyo Uganda waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa Ciiddanka Isku-dhafka ee Uganda, Sarreeye Gaas Joseph Musanyufu.

Latest stories