HomeCaalamkaSirdoonka Maraykanka oo sheegay inay Waqooyiga Kuurya kordhinayso shidaalka loo adeegsado Nukliyeerka.

Sirdoonka Maraykanka oo sheegay inay Waqooyiga Kuurya kordhinayso shidaalka loo adeegsado Nukliyeerka.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka ayaa rumeysan inay Waqooyiga Kuurya goobo qarsoodi ah ku kordhinayso soo-saarka Shidaalka Nukliyeerka, isla markaana laga yaabo inay qariyaan arrintaasi, inta ay Dowladda Mraaykanka ku jiraan wada-xaajoodka. Telefishinka NBC ee dalka Maraykanka waxa uu ka soo xigtay 5 Sarkaal oo Maraykan ah inay Dowladda Waqooyiga bilihii la soo dhaafay ku tallaabsatay soo-saarka […]

- Advertisement -

Hay’addaha Sirdoonka Maraykanka ayaa rumeysan inay Waqooyiga Kuurya goobo qarsoodi ah ku kordhinayso soo-saarka Shidaalka Nukliyeerka, isla markaana laga yaabo inay qariyaan arrintaasi, inta ay Dowladda Mraaykanka ku jiraan wada-xaajoodka.

Telefishinka NBC ee dalka Maraykanka waxa uu ka soo xigtay 5 Sarkaal oo Maraykan ah inay Dowladda Waqooyiga bilihii la soo dhaafay ku tallaabsatay soo-saarka iyo bacriminta Maadada Yuraaniyamka ee laga farsameeyo Hubka Nukliyeerka.

- Advertisement -

Telefishinka waxa uu intaasi ku saray inay Saraakiisha rumeysan yihiin in ka badan 2 goob oo qarsoodi ah oo Hubka Nuloyeerka laga soo saraayo oo ay ku jirto gooba laga so osarao Shidaalka Nukliyeerka ee ku taalla Deegaanka YONGBYON.

Xogtan la baahiyey waxay ku soo beegantay iyadoo Madaxweynaha Maraykanka iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya bishan 12-dii Heshiis ka gaareen sidii loo burburin lahaa Nukliyeerka Waqooyiga Kuurya, iyadoo Madaxweyne Trump sheegay inay dhamaatay cabsidii laga qabay Nukliyeerka dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories