HomeCaalamkaSawirro:-Wafdi ka socda dowladda oo ka qeybgalay kulamada Golaha Fulinta ee Midowga...

Sawirro:-Wafdi ka socda dowladda oo ka qeybgalay kulamada Golaha Fulinta ee Midowga Afrika

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiiru Dowlah Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa ka qeybgalay kulanka caadiga ah ee 33,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania, iyadoo loo gogol xaarayo shirka 31,aad ee kulan madaxeedka Midowga Afrika oo socon doona Maalmaha 1-2 July. Ka […]

- Advertisement -

Wasiiru Dowlah Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa ka qeybgalay kulanka caadiga ah ee 33,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania, iyadoo loo gogol xaarayo shirka 31,aad ee kulan madaxeedka Midowga Afrika oo socon doona Maalmaha 1-2 July.

Ka qayb qaadashada Soomaaliya ee shir madaxeedka Afrika iyo kulamada gogol xaarka ah waxay ka qayb tahay ahmiyadda joogtada ah ee Soomaaliya ay kula falgasho arrimaha Qaaradda Afrika, iyadoo ah xubin wax ka aas’aastay Midowga Afrika oo hore loo yiqiinnay Ururka Midnimada Afrika.

- Advertisement -

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika oo ku qabsoomay 28-29 June Magaalada Nouakchott ayaa diirrada lagu saarray geedi socodka dib u habeynta Ururka, mashruuca miisaaniyadda Midowga Afrika ee sanadka 2019, magacaabidda Golaha Hantidhowrka Dibadda iyo horumarrada laga gaarray Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika, Aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka iyo mustaqbalka heshiiska wadagga ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee loo yaqaan “Cotonou Partnership Agreement”, diyaarinta ajandayaasha shir madaxeedka iyo qodobo kale.

Latest stories