HomeCaalamkaSawirro:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyay Mourutania

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyay Mourutania

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania Yahya Ould Hademine, ayaa magaalada Nouakchott ee caasimadda dalkaas kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Midawga Afrika. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Ra’iisul Wasaare Yahya […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania Yahya Ould Hademine, ayaa magaalada Nouakchott ee caasimadda dalkaas kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Midawga Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Ra’iisul Wasaare Yahya Ould Hademine uga mahad celiyay soo dhaweynta Balaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo.

- Advertisement -

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa July 1-2, 2018 magaalada Nouakchott uga qeyb gelaya shir madaxeedka 31-aad ee Midawga Afrika oo looga hadlayo sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada loogu jiro la dagaalanka Musuq-maasuqa si loo gaaro horumar ballaaran oo ay qaaraddu ku tilaabsato, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono furdasaha fududeyn kara la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Caqabadaha jira.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Afrika ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal Muhiim ah oo ay kamid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, Caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Latest stories