HomeWararSawirro:Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Sawirro:Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

In ka badan  80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ayaa Galabta  waxaa laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada muqdisho. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaareen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya. Waa […]

- Advertisement -

In ka badan  80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ayaa Galabta  waxaa laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaareen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal. Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mid ka mid ah siyaasadihiisa ka dhigay in dadka aan sharciga lahayn iyo kuwa dambiyada galay laga tarxiilo dalkan. Dhinaca kale Donald Trump waxa uu soo saaray sharci mamnuucaya dadka qaxootiga ah ee ka yimaada ilaa 7 waddan oo ay ku jirto Soomaaliya, isgaoona sheegay inuu tallaabadaais u qaaday sababo dhinaca amnig ah.

Latest stories