HomeCaalamkaMadaxweyne Erdogan iyo xubnaha Barlamaanka cusub ee Turkiga oo isku madal lagu...

Madaxweyne Erdogan iyo xubnaha Barlamaanka cusub ee Turkiga oo isku madal lagu dhaarin doono.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub ee dalka Turkiga waxay Kulankooda 1-aad yeelan doonaan bisha soo socota ee July 8-da, si ay u doortaan Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka. Xildhibaanka ugu da’da weyn Barlamaanka ayaana shir guddoomin doona Kulankaasi oo Guddoomiye cusub lagu soo dooran doono. Deniz Byakal oo 80-jir ah, kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee CHP ayaa la […]

- Advertisement -

Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub ee dalka Turkiga waxay Kulankooda 1-aad yeelan doonaan bisha soo socota ee July 8-da, si ay u doortaan Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka.

Xildhibaanka ugu da’da weyn Barlamaanka ayaana shir guddoomin doona Kulankaasi oo Guddoomiye cusub lagu soo dooran doono.

- Advertisement -

Deniz Byakal oo 80-jir ah, kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee CHP ayaa la filayaa inuu noqdo Ku-simaha Guddoomiyaha Barlamaanka cusub inta laga dooranayo Guddoomiyaha Rasmiga.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rajab Dayib oo mar kale 5-sanno loo doortay Xilkaasi waxaa isagana xilkaasi loo dhaarin doonaa Munaasabadda lagu dhaarinayo xubnaha Barlamaanka isla bisha July 8-da.

- Advertisement -

Golaha Sare ee Doorashadda Turkiga ka dhacday bishan June 24-da waxay si rasmi ahaan  u shaaciyeen Natiijadda Doorashaddii Madaxweynaha iyo Barlamaanka oo isku mar loo codeeyey.

Natiijadda Rasmiga ee Doorashadii dhacday Axaddii la soo dhaafay waxa uu Xisbiga Madaxweyne Erdogan ee Caddaaladda iyo Horumarinta ee AK Party waxay heeleen 295 Kursi oo ka mid ah 600 Kursi ee uu ka kooban yahay Barlamaanka Weyn ee Qaranka Turkiga.

Xisbiga CHP waxa uu galay Kaalinta 2-aad, iyagoo helay 67 kursi, halka Xisbiga kale ee HDP  heleen 67 Kursi.

Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniyiinta ee MHP waxay heleen 19 Kursi, halka Xisbiga IVI heleen 43 kursi.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories