HomeCaalamkaCunug Soomaali ah oo Dabaq ka soo dhacay oo ku geeriyooday Maraykanka

Cunug Soomaali ah oo Dabaq ka soo dhacay oo ku geeriyooday Maraykanka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Cunug yar oo hal sanno jir ah ayaa la sheegay inuu shalay ka soo dhacay daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismo ku yaalla Deegaanka Northview Heights oo u dhow magaalladda Pittsburgh  oo ka tirsan Gobalka Feneslafaaniya ee dalka Maraykanka. Afhayeenka Waaxda Ammaanka Dadweynaha ee magaalladaasi, Chiris Togneri ayaa sheegay inay Saraakiisha Boliska sababta keentay inuu ilmaha yar ka soo dhaca Daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismahaasi. […]

- Advertisement -

Cunug yar oo hal sanno jir ah ayaa la sheegay inuu shalay ka soo dhacay daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismo ku yaalla Deegaanka Northview Heights oo u dhow magaalladda Pittsburgh  oo ka tirsan Gobalka Feneslafaaniya ee dalka Maraykanka.

Afhayeenka Waaxda Ammaanka Dadweynaha ee magaalladaasi, Chiris Togneri ayaa sheegay inay Saraakiisha Boliska sababta keentay inuu ilmaha yar ka soo dhaca Daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismahaasi.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska iyo Dhakhaatiirta Isbitaalladda warbixin ku dhiibeen inuu ilmaha yar ku dhacay meel 35 cagood ama Feet u jirta dhismaha ay Waalidkiisa degganaayeen.

Afhayeen Chiris Togneri waxa uu intaasi ku daray in ilmaha yar loola cararay Isbitaalka, balse uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Dhinaca kale, Sarkaalka Xafiiska baaritaanka Caafimaadka weli ma shacainin magaca cunug yar ee geeriyooday iyo magaca waalidkii dhalay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Qaraabadda ilmahaasi ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee WPXI inuu ilmaha ku dhacay Shaashad, ka hor inta uusan ka sii dhicin Muraayadda daaqadda.

Ma kala cadda qofka ilmaha la joogay, ka hor inta uusan ka dhicin daaqada Dabaqa 4-aad ee Dhismahaasi. .

Telefishinka Channel 11 iyo Shabakadda Wararka wpxi.com ee dalka Maraykaka ayaana markii ugu horreysay baahiyey Warka ku aadan ilmaha yar ee Soomaaliga ee u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray Dhismo uu ka soo ddhacay.

Latest stories