HomeCaalamkaSawirro:-Jabuuti oo u dabbaal dagtay 41-sano guurada xorriyadeeda

Sawirro:-Jabuuti oo u dabbaal dagtay 41-sano guurada xorriyadeeda

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Munaasabadda Xuska sanad guurada 41aad ee kasoo wareegatay sanadkii 1977dii xiligii walaalaha jamhuuriyada jabuuti ay xornimada ka qaateen gumeystihii faransiiska oo subaxnimadii hore ee saaka ka bilaabatay Barxada Sheekh Cusmaan ee Magaaladda Jabtuuti. Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaacil Cumar ,Madaxda iyo saraakiisha Ciidanka dalkaas,Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS […]

- Advertisement -

Munaasabadda Xuska sanad guurada 41aad ee kasoo wareegatay sanadkii 1977dii xiligii walaalaha jamhuuriyada jabuuti ay xornimada ka qaateen gumeystihii faransiiska oo subaxnimadii hore ee saaka ka bilaabatay Barxada Sheekh Cusmaan ee Magaaladda Jabtuuti.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaacil Cumar ,Madaxda iyo saraakiisha Ciidanka dalkaas,Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga iyo Sidoo kale shacabka reer jabuuti kuwaas oo  isugu soo baxay goobta dabaal degan uu ka dhacayay ,waxaana isla goobta lagu saaray Calanka Jamhuuriyada Jabuuti.

- Advertisement -

Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar geele ayaa isaga oo saaaran gaari kor ka furan waxa uu salaan ka qaatay Ciidanka Dalkan Jabuuti. Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Dalkan Jabuuti oo socod gaardis ah ku maray Madaxda munaasbada joogtay hortooda ayaa intaasi ka dib waxaa goobta lagu soo bandhigay walaalaha jamhuuriyada Jabuuti oo ay ku jiraan Ciidan,gawaarida gaashaan ,hubka noocyadiisa kala duwan iyo diyaarado.

Intaasi ka dib shacabka reer jabuuti aya isugu soo baxay Madaxtoyada jabuuti waxana halkaasi kula hadlay Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ,waxaana uu ugu hambaleeyay 41sano guuradii kasoo wareegatay markii xornimada qaateen,isagoo sheegay in qofka walba looga baahanyahay in dhankiisa uu dalka ugu hiiliyo lana xuso halyeeyadii dalkan gaarsiiyay xornimada uu manta u dabaal degaayo.

Sidoo kale Madaxweynaha jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa inta uu la hadlayay shacabkiisa waxa uu ka hadlay arimaha soomaaliya,isagoo sheegay in Soomaaliya colaado sokeeyo oo ay soo martay ka dib manta ay sameysay horumar ku dayasho mudan islamarkaana shacabka labada wadan ay yihiin walaalo aan marnaba kala maarmin jabuutina ay dadaal walba ku bixineyso horumarka dowladnimo ee Soomaaliya,wuxuuna caalamka ugu baaqay in uu Soomaaliya ka taageero sidii ay u horumari laheyd.

- Advertisement -

Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cbadiraxmaan ayaa xusay in xoriyadda Jabuti maanta u dabaal dagayso ay farxad galinayso Soomaaliya, islamarkaana ay samaysay horumar balaaran muddo 41-sano ah oo wax laga baran karo.

Latest stories