HomeCaalamkaSawirro:-Dab Xoog leh oo ka kacay Xaafadda Soomaalida ee Bellville - Cape...

Sawirro:-Dab Xoog leh oo ka kacay Xaafadda Soomaalida ee Bellville – Cape Town

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka naga soo gaaraya dalka Kooonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad Soomaali uu ka kacay dab xooggan. Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in dabkaas uu ka bilaawday mid ka mid ah ganacsiga ugu weyn ee magalada Cape Town. ”Dabka wuxuu uu ka kacay Dukaanka weyn ee OK […]

Wararka naga soo gaaraya dalka Kooonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad Soomaali uu ka kacay dab xooggan.
Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in dabkaas uu ka bilaawday mid ka mid ah ganacsiga ugu weyn ee magalada Cape Town.
”Dabka wuxuu uu ka kacay Dukaanka weyn ee OK Furniture ee Alaabada guryaha lagu iibiyo ee ku yaalla kasoo horjeedka KFC ee bartamaha Bellville,waxaana gurmad baaxad leh sameeyey Kooxaha Dab-damiska oo goobta soo gaaray, iyadoo ay u muuqato inuu gabi ahaanba baabi’iyey Dhismaha Dukaanka iyo agabkii yiilay.
Alxamdulillaah ma jiro wax khasaare ah oo Soomaalida halkaasi ganacsiga ku leh ama guryaha ku dheggan deggan Dabkaasi kasoo gaaray.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo Ganacsi ku leh,kuwaas oo mararka qaar loo geysto dil iyo boobka hantidooda.

Latest stories