HomeCaalamkaSawirr:-Ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan Q. Afrika

Sawirr:-Ciidanka Booliska Soomaaliya oo loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan Q. Afrika

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo arrimo shaqo u jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimaadeen Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”. Shirkaasi, ayaa waxaa lagu Casuumay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Waxaana Soomaaliya ay noqotay Dawladda Kaliya ee Afrika ka […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo arrimo shaqo u jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb galay Shir ay isugu yimaadeen Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”.

Shirkaasi, ayaa waxaa lagu Casuumay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Waxaana Soomaaliya ay noqotay Dawladda Kaliya ee Afrika ka mid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay, kadib markii la arkay dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta dalka.

- Advertisement -

Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka  Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay Hawlaha adag ee ay hayaan, iyaggoo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya u aqoonsaday inuu yahay Booliska ugu wanaagsan ee Afrika markii laga fiiriyey dhinacyo badan, sida uu sheegay S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale xusay  in shirkaasi Madaxdii kasoo qeyb gashay uu uga warbixiyey sida ay u shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Caqabadaha horyaalo ee loo baahan yahay in Xal loo helo.

“Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska u wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan, Shirkaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

- Advertisement -

 

Latest stories