HomeCaalamka(SAWIRO): Australia oo shaacisay magaca Haweeney Soomaali ku eedeysan inay ka tirsan...

(SAWIRO): Australia oo shaacisay magaca Haweeney Soomaali ku eedeysan inay ka tirsan tahay Daacish.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warbaahinta dalka Australia waxay markii ugu horreysay baahiyeen magaca iyo sawirka Haweeney Soomaali oo lagu eedeynayo inay tahay xubintii ugu horreysay ee ku nool Koonfurta Australia oo ka mid noqota Kooxda Daacish. Zaynab C/raxmaan Khaliif oo ah Arday barata Kalkaaliye Caafimaad waxay Boliska Australia  ku qabteen bishii May ee sannadkii hore Kambaska Jamaacadda TAFE  oo […]

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Australia waxay markii ugu horreysay baahiyeen magaca iyo sawirka Haweeney Soomaali oo lagu eedeynayo inay tahay xubintii ugu horreysay ee ku nool Koonfurta Australia oo ka mid noqota Kooxda Daacish.

Zaynab C/raxmaan Khaliif oo ah Arday barata Kalkaaliye Caafimaad waxay Boliska Australia  ku qabteen bishii May ee sannadkii hore Kambaska Jamaacadda TAFE  oo ku taalla magaalladda dekedda leh ee Adelaide TAFE ee Koonfurta Australia.

- Advertisement -

Balse, waxay  Maxkamadaha Australia xilligaasi mamnuuceen in magaceeda iyo sawirkeeda la shaaciyo iyo in loo adeegsado Warbaahinta.

Zaynab C/raxmaan Khaliif oo 23-jir ah waxaa lagu eedeeynayaa inay Daacish kula xiriiri jirtey Online, isla markaana ay sheegtay inay daacad u tahay Kooxda Daacish

Haweeneydaasi oo iyadoo 14 jir tegtay dalkaasi  waxa kaloo lagu eedeeyey inay ku luqeyn jirtey Nashiidada ama Heesaha Borobogaandada ee ay Kooxda Daacish ku baahiyaan Internet-ka marka ay gurigeeda joogto, waa sidaay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Kaaliyaha Taliyaha Boliska Federalka Australia, Ian McCartney waxa uu sheegay inaysan Somali ahaan u beegsanin Haweeneydaasi, balse  ay beegsadeen kuwa Dembiilayaasha ee aaminsan Aydhoolajiyadda Kooxaha Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Balse, Qareenkeeda oo lagu magacaabo Craig Caldicott waxa uu su’alo ka keenay caddaymaha loo isticmaalay  Eedeymaha loo haysto Zaynab C/raxmaan Khaliif.

Waxa uu beeniyey inay dhegeysan jirtay Nashiidada Kooxda Daacish, wuxuuna sheegay  inay Muusik dhegeysn jirtey.

Waxa uu beeniyey inay xubin ka tahay Kooxda Daacish, inkastoouu qiray inay danaynaysay inay xubin ka noqoto Kooxdaasi.

Zaynab C/raxmaan Khaliif waxay wajahi doontaa in la soo taago Maxkamadda Sare ee dalkaasi, inkastoo ay iyadana beenisay Dembiga lagu soo oogay.

Dhegeysiga Dacwadeeda waxa ay bilaaban doontaa bisha August 13-da ee sannadkan, waxaana la rajeynayaa inay dacwadeeda socoto ilaa 7 isbuuc.

Waxaa la hadal-hayaa inay muteysan doonto Xabsi ilaa 10-sanno, haddii lagu keeno Dacwadda loo haysto.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories