HomeCaalamkaMD Farmaajo oo Dhambaal u diray Amiirka Kuweyt iyo Kulan looga hadlay...

MD Farmaajo oo Dhambaal u diray Amiirka Kuweyt iyo Kulan looga hadlay Xoojinta Xiriirka labada Waddan.

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Amiirka dalka Kuweyt, Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Al-sabaax  gaarsiiyey Dhambaal Qoraal oo uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo u diray Amiirka dalkaai. Amiirka Kuweyt waxa uu Qasrigiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayey Wasiir Cawad, iyagoo ka wada hadleen Xiriirka Walaaltinimo ee Labada […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Amiirka dalka Kuweyt, Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Al-sabaax  gaarsiiyey Dhambaal Qoraal oo uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo u diray Amiirka dalkaai.

Amiirka Kuweyt waxa uu Qasrigiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayey Wasiir Cawad, iyagoo ka wada hadleen Xiriirka Walaaltinimo ee Labada Waddan iyo Xaalladaha ka taagan Khaliijka iyo Geeska Afrika.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Kuweyt ee KUNA waxay kaloo sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuweyt, ahna Ku-simaha Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Sheekh Sabaax Khaalid Al-xamad Al-sabaax  Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad oo maalmahan booqasho ku joogay dalkaasi.

Wakaalladda waxay sheegtay inay Labada Mas’uul  ka wada hadleen xoojinta Xiriirka Labada Waddan,  Mashaariicda Kuweyt ku horumarinayso  Adeegyadda Somalia, Xaalladaha ka jira Geeska Afrika, Qaddiyadaha Caalamiga  iyo  Danaha ay Somalia iyo Kuweyt ku mideysan yihiin.

Wasiir Cawad waxa kale oo kulamo la yeeshay Wasiirka Tacliinta iyo Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Kuweyt, oo ay isla eegeen Xoojinta Taageeradda ay Kuweyt u fidiyaan Hay’addaha ka tirsan kuwa DFS.

Latest stories