HomeCaalamka(LA-YAABKA): Baadari sheegtay inuu iibinayo Tikidhada Janada oo la xiray

(LA-YAABKA): Baadari sheegtay inuu iibinayo Tikidhada Janada oo la xiray

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Baadari Tito Wats oo madax ka ah Kaniisad ku taalla dalka Zimbabwe Iyo Xaaskiisa ayaa la xiray, sida ay xaqiijiyeen Boliska dalkaasi. Lammaanahaasi waxaa lagu soo eedeeyey inay si wadajir ah u iibinayeen Tikidho ay ku sheegeen in lagu geli doono Jannadda, waa sida ay hadalka u dhigeen. Baadariga waxa uu u sheegay Kumanaan qoof […]

- Advertisement -

Baadari Tito Wats oo madax ka ah Kaniisad ku taalla dalka Zimbabwe Iyo Xaaskiisa ayaa la xiray, sida ay xaqiijiyeen Boliska dalkaasi.

Lammaanahaasi waxaa lagu soo eedeeyey inay si wadajir ah u iibinayeen Tikidho ay ku sheegeen in lagu geli doono Jannadda, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Baadariga waxa uu u sheegay Kumanaan qoof inuu JESUS ahaa qofka u soo muuqday, kadibna isaga siiyey Tikidhada dadka, gaar ahaan kuwa Dembiilayaasha, si ay awood ugu yeeshaan inay galaan waxa uu ugu yeeray Jannadda.

“Waxba igama khuseeya waxa ay dadka ama ay Boliska isaga ka sheegayaan, waxaan noqday qof loo silciyey inuu qabanayo shaqada Ilaahay” ayuu yiri waa sida uu hadalka u yiri

Waxa uu intaasi ku daray inuu JESUS Christ isaga ka soo hor muuqday  iyo inuu isaga siiyey Tikidho laga sameeyey Dahab Saafi ah, si uu ugu qeybiyo waxa uu ugu yeeray dadka doonaya inay badbaadaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Kumanaan qof oo ka mid ah Taageerayaashiisa  waxay dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Xarigiisa, waxayna Boliska ugu baaqeen inay u soo daayaan sida ugu dhaqsaha badan.

Taageerayaasha waxay ku doodeen inay Lacagtooda ku iibsanayaan Badbaadada, isla markaana la oggolaan Karin xarigiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Dhacdadan iyo kuwa kale waxay ka mid yihiin Waxyaabaha Malla-awaalka ee dadka Kufaarta ah iska dhaadhiciyaan falal lagu mudan karo Cadaabta Aakhiro.

Xigasho: zimbabwe-today.com

 

Latest stories