HomeCaalamkaDowladda Eritrea oo Wafdi u dirtay Itoobiya

Dowladda Eritrea oo Wafdi u dirtay Itoobiya

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wafti ka socda dalka Eritrea ayaa maanta waxa ay gaareen dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia si wada-hadallo taariikhi ah, oo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika ee labadaasi dal dhex maray. Wafdi oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Ertrea […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafti ka socda dalka Eritrea ayaa maanta waxa ay gaareen dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia si wada-hadallo taariikhi ah, oo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika ee labadaasi dal dhex maray.

Wafdi oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Ertrea Yemane Gebreab,ayaa waxaa soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

- Advertisement -

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii tagey ballanqaaday inuu wafti u dirayo Ethiopia.

Ballanqaadka Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.

Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.

- Advertisement -

Eritrea oo horey u ahayd gobol ka tirsan Ethiopia, ayaa go’day sanadii 1993-kii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts