HomeMaqalDhageyso-Xildhibaan Zakariye”Janeraal Gabre waa dambiile xasuuqay Shacab Soomaaliyed waa in maxkamad..

Dhageyso-Xildhibaan Zakariye”Janeraal Gabre waa dambiile xasuuqay Shacab Soomaaliyed waa in maxkamad..

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyey in xilkii uu Ururkaas ka haayey ay ka qaadeen Janeraal Gabre oo u qaabilsnaa Soomaliya dhanka la talinta Siyaasada,waxana durba soo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Caawa Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waa uu sheegay in Go’aanka xilka qaadista ah ee Gabra lala soodahay,isla markaana mar hore loo baahnaa.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Gabre uu ahaa Nin dhibateeyey dad Soomaaliyeed,isaga oo xiriir la lahaa Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada.

“Runtii mar hore ayay aheyd in la eryo,anaga bishii Janaury ayaan erinay,laakin dad uu u taliyo ayuu heystay isaga oo madaxweyne isku hesytay,wuxuu xukumayey laga soo bilaabo lowya-cade,marka IGAD weey la daahday,laakin waxan kuu sheegayaa in aan loo dhaafi doonin wixii dil iyo hanti bur burin ka dhacay soomaaliya.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay xildhibaan Zakariye in dhibaatadaas uu shacabka soomaaliyeed u geystay Janeraal Gabre in ay noqon doonto mid aan looga hari doonin,isla markaana uu rajeynayo in la soo taago Maxkamada Caalami ah,waxa uuna sheegay in uu sabab u ahaa in Boqolaal Ruux lagu dilo dalka,dad badana uu barakaciyo.

- Advertisement -

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta aadka u neceb dowladda Itoobiya,waxana la xasuustaa in xilligii doorashada Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo uu si dadban u sheegay in ay goobta fadhiyaan madax aan dooneyn Nabada Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo dhameystiran.

 

Latest stories