HomeCaalamkaSawirro:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Caawa la kulmay dhigiisa dalka Ruwanda

Sawirro:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Caawa la kulmay dhigiisa dalka Ruwanda

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo booqasho hal maalin ah ku jooga dalka ruwanda ayaa Caawa Caasimada dalkaas ee Kigali waxa uu kula kulmay dhigiisa dalka Ruwanda Edouard Ngirente iyo Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada. Kulanka labada Ra’iisul Wasaare waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan […]

- Advertisement -

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo booqasho hal maalin ah ku jooga dalka ruwanda ayaa Caawa Caasimada dalkaas ee Kigali waxa uu kula kulmay dhigiisa dalka Ruwanda Edouard Ngirente iyo Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Kulanka labada Ra’iisul Wasaare waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wasiiru dawlaha arrimmaha dibadda, wasiirka caddaaladda ee Rwanda, Lt. Gen Jacques Musemakweli iyo masuulyiin kale oo reer Rwanda ah.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhigiisa Ruwanda ugu mahad celiyey casuumaada ay u fidiyeen madaxda dalkaas,isaga oo  sheegay in uu rajo weyn ka qabo in Soomaaliya ku dayato horumarka weyn ay sameysay dowladda Ruwanda iyo sidii ay ku dhaaftay dagaaladii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay.

Ra’iisul Wasaare Edouard Ngirente ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

Gaba gabadii Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulan la yeesho madaxweynaha dalka Ruwanda ahna Guddoomiyaha Midawga Afrika Mudane Paul Kagame.

- Advertisement -

Latest stories