HomeCaalamkaKenya oo shaacin doonta Magacyada Ganacsato Sonkor sumeysan geeyay dalkaas

Kenya oo shaacin doonta Magacyada Ganacsato Sonkor sumeysan geeyay dalkaas

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda weyn ku leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inuu shaacin doono magacyadda Liiska Ganacsatadda ka dambaysay inay Kenya keenaan Sonkorta muranka dhalisay ee ay ku milan yihiin maadooyinka sun ah. Siyaasiga waxa uu tilmaamay inuu diiwaan geliyey 60 Ganacsato iyo qof kale, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay Kenya […]

- Advertisement -

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda weyn ku leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inuu shaacin doono magacyadda Liiska Ganacsatadda ka dambaysay inay Kenya keenaan Sonkorta muranka dhalisay ee ay ku milan yihiin maadooyinka sun ah.

Siyaasiga waxa uu tilmaamay inuu diiwaan geliyey 60 Ganacsato iyo qof kale, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay Kenya keeneen 185 tan oo Sonkorta sumeysan ee khatarta ku ah nolosha Aadanaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu Liiskaasi shaacin doono maalinta Taalaadada ee soo socota.

- Advertisement -

Siyaasiga Aadan Barre Ducaale oo ah Xildhibaan laga soo doorto Garissa waxa uu xusay inuu Guddiga Ganacsiga iyo Beeraha ee Barlamaanka Kenya u gudbiyey Dukumenti ku aadan Liiska Ganacsatada ka dambaysa Sonkorta walaaca xooggan ka dhex abuurtay dadka ku nool dalkaasi.

Warar ayaa sheegayo in Sonkortaasi oo laga keenya dalka Brazil ay ku jiraan maadooyin Kiimikaad ah oo aan ku fiicnayn nolosha dadka isticmaala Sonkortaasi

Dhowr Gnaacsato Somali-Kenyan ayaa ka mid ah Ganacsatadda u xiran Sonkortaasi, sida ay sheegeen Ciiddanka Boliska ee dalkaasi oo dhawaan qaaday olole ay ku soo ururiyeen Sonkorta laga digay Khatarteeda.

Latest stories