HomeCaalamkaHaween u dhashay Tanzania loona heysto Al-Shabaabnimo oo Maxkamad ka soo muuqday

Haween u dhashay Tanzania loona heysto Al-Shabaabnimo oo Maxkamad ka soo muuqday

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Umul-kheyr Sadri Cabdalla iyo Khadiija Abubakar C/qaadir oo muddo dhowr sanno ah ku xiran Xabsi ku yaalla dalka Kenya waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Mombasa. Haweenkaasi waxay beeniyeen inay u socdaal lahaayeen Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab, inkastoo Dacwad-oogayaasha sheegeen inay haweenkaasi ka soo qabteen Degmadda Ceel-waaq, xilli ay ka […]

- Advertisement -

Umul-kheyr Sadri Cabdalla iyo Khadiija Abubakar C/qaadir oo muddo dhowr sanno ah ku xiran Xabsi ku yaalla dalka Kenya waxaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Mombasa.

Haweenkaasi waxay beeniyeen inay u socdaal lahaayeen Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab, inkastoo Dacwad-oogayaasha sheegeen inay haweenkaasi ka soo qabteen Degmadda Ceel-waaq, xilli ay ka gudbi lahaayeen Xuduudka Somalia.

- Advertisement -

Labada Haween waxay Maxkamadda Mombasa ka hor sheegeen inay ahaayeen Arday ka yimid Tanzania,isla markaana ay Waxbarasho u joogeen Kenya.

Umul-kheyr  Sadri Cabdalla waxay sheegtay in markii la xirayey ay ahayd Arday Cilmiga Caafimaadka ka barata Jaamacadda Afiiq ee dalka Sudan, balse Kenya u joogtay Barnaamij Waxbarasho oo Kooban.

Waxay kaloo sheegtay inay bishii March 23-dii ee sannadkii 2015-kii Diyaarad Ethiopian Airlines ka soo raacday Sudan, kana soo degtay Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Umul-kheyr Sadri Cabdalla waxay Maxkmaadda u sheegay inay Ciiddanka Kenya ka qaateen Baasaboorkeeda, Waraaqaha Aqoonsiga Ardaynimo, Mobayl, Laptop iyo Dukumentiyadda Jaamacadda.

Waxay Maxkamadda u sheegtay in magaceeda laga tiray Liiska Jaamacaddii ay dhiganaysay, kadib, markii iyada lagu soogay dacwo looga been abuuray.

Dhinaca kale, Umul-kheyr Sadri Cabdalla iyo Khadiija Abubakar C/qaadir waxay codsadeen in laga siidaayo Maxkmadda, maadaama aan la haynin dad ku markhaati furaya Kiiska lagu soo oogay.

Garsooraha Maxkamadda Mombasa waxa uu sheegay in Difaaca Kiiskooda dib loo dhegeysan doono bisha soo socota ee July 2-da.

Latest stories