HomeCaalamkaAMISOM oo jawaab ka bixisay eedeyn loo jeediyey

AMISOM oo jawaab ka bixisay eedeyn loo jeediyey

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Taliska Hawlgalka AMISOM waxay shalay beeniyeen warar sheegayey inaysan Ciiddankooda si dhow ugala shaqeynin Ciiddanka DFS sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen Awoodda Dagaalamayaasha Alshabaab. Qoraalka ka soo baxay Hawlgalka AMISOM waxaa lagu beeniyey Eedeymahaasi, iyagoo sheegay inay Ciiddanka DFS si buuxda isaga kaashadaan sidii lagu dhisi lahaa Awoodooda La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda iyo […]

- Advertisement -

Taliska Hawlgalka AMISOM waxay shalay beeniyeen warar sheegayey inaysan Ciiddankooda si dhow ugala shaqeynin Ciiddanka DFS sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen Awoodda Dagaalamayaasha Alshabaab.

Qoraalka ka soo baxay Hawlgalka AMISOM waxaa lagu beeniyey Eedeymahaasi, iyagoo sheegay inay Ciiddanka DFS si buuxda isaga kaashadaan sidii lagu dhisi lahaa Awoodooda La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Taliska AMISOM waxay qoraalkaasi soo saareen , kadib, markii ay Saraakiisha Milliteriga ee ku sugan Jubbooyinka ku eedeeyeen inaysan Ciiddanka AMISOM ka taageerin Dagaalkii ay dhawaan Alshabaab kula galeen Deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Goballadda Jubbooyinka waxaa ku sugan Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo inta badan la sheego inay iyaga iyo Maamulka Jubbaland ku mashquulaan canshuuraha ay  ka qaataan Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Jid-gooyadda ay Gaadiidka Xamuulka maraan.

Latest stories