HomeCaalamkaKalluumeysato Iiraaniyiin lagu haystay Somalia oo dib ugu laabtay dalkooda

Kalluumeysato Iiraaniyiin lagu haystay Somalia oo dib ugu laabtay dalkooda

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Koox Kalluumeysato oo ka kooban 17 qof ayaa la sheegay inay Khamiistii hore dib ugu laabteen dalka Iiraan, kadib, markii afduub loogu haystay Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii hore ee 2017-ka. Shabakadda Wararka ee financialtribune.com ayaa maanta qortay in Kalluumeystadaasi lagu sii daayey dadaal ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan iyo Safaaradda ay ku […]

- Advertisement -

Koox Kalluumeysato oo ka kooban 17 qof ayaa la sheegay inay Khamiistii hore dib ugu laabteen dalka Iiraan, kadib, markii afduub loogu haystay Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii hore ee 2017-ka.

Shabakadda Wararka ee financialtribune.com ayaa maanta qortay in Kalluumeystadaasi lagu sii daayey dadaal ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan iyo Safaaradda ay ku leeyihiin dalka Kenya.

- Advertisement -

Kalluumesyatadaasi oo watay dooni Kalluumeysi ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Ilaalo Somali ah oo watay Dooni nooca dheereeya, waxaana Kalluumeysatada lagu soo oogauy inay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xeebaha W/bari ee Somalia.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Baxram Qaasimi ayaa sheegay in Kalluumeystadaasi lagu sii daayey dadaal adag oo socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, mana uusan faahfaahin haddii Hawlgal Milliteri lagu soo furtay iyo haddii Burcad-baddeeda haystay la siiyey Lacago Mdaxa Furasho ah.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Iiraan ayaa la sheegay inuu Kalluumesyatadaasi ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Khomeyni International Airort ee caasimadda dalkaasi ee Tehtaan. Kadib, markii ay Diyaarad ka soo raaceen magaalladda Nairobi

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Sii-dayntooda waxay timid 2 isbuuc kadib, markii ay Ciiddanka Sirdoonka Iiraan xoog ku soo furteen 4 Kalluumeysato u dhalatay dalkaasi oo dhowr sanno afduub loogu haystay Xeebaha Jubbooyinka..

 Xigasho: financialtribune.com

Latest stories