HomeWararCiidamada Amniga oo hal ruux ku toogtay Shabeellaha dhexe

Ciidamada Amniga oo hal ruux ku toogtay Shabeellaha dhexe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Maamulka tuulada Xawaadley ay toogteen mid ka mid ah Rag furayey Goob horay loo xirey oo uu ka fataho Wabiga Shabeelle. Maamulka Tuulada Xawaadley ayaa Dalsan u xaqiijiyey in Rag qaarkood ay hubeysnaayeen ay bilaabeen xalay saqdii dhexe in ay fuaran goob […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Maamulka tuulada Xawaadley ay toogteen mid ka mid ah Rag furayey Goob horay loo xirey oo uu ka fataho Wabiga Shabeelle.

Maamulka Tuulada Xawaadley ayaa Dalsan u xaqiijiyey in Rag qaarkood ay hubeysnaayeen ay bilaabeen xalay saqdii dhexe in ay fuaran goob biyo xireen ah si uu Wabiga fatahaad u sameeyo balse ay ciidamada tuulada ka warheleen ka dibna ay ka hortageen.

- Advertisement -

“Xalay ayaan ka warhelnay rag kor u dhaafayey Soddomeeyo oo qaarkood hubeysnaayeen iyaga oo jebinayey goobtii aan horay uga xirnay Wabiga ee biyo Xireenka FAO,waa ay nala dagaalameen kadibna wey carareen hal ruux ayaan ka dilnay midna isaga oo dhaawac ah ayuu cararay ayuu yiri guddoomiyaha tuulada Xawaadley Cali Atuunyo.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaarey goobta,iyaga oo ciidamada amniga ku amray in cidksata oo Biyaha Wabiga siideyneysa ay kahor tagaan.

Goordhow la socda  Faah faahinta Warkaan oo dhameystiran iyo Wareysiga Guddoomiyaha tuulada Xawaadley.

Latest stories