HomeCaalamkaMadaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha South Sudan

Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha South Sudan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Itoobiya kana  qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfurta  Sudan. Madaxweyne Farmaajo ayaa  dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit  ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada […]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Itoobiya kana  qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfurta  Sudan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa  dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit  ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada si looga gudbo xurgufta Siyaasadeed ee soo kala dhex gashay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.
“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.
Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

Latest stories