HomeCaalamkaMuhaajiriin Soomali ah oo laga soo musaafuriyey dalka Libya

Muhaajiriin Soomali ah oo laga soo musaafuriyey dalka Libya

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Hay’adda ka-hortagga Muhaajiriinta Sharci-darradda ugu nool dalka Libya ayaa shaacisay inay 106 Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea iyo Ethiopia laga soo tarxiilay dalkaasi, kuwaasi oo Transit ahaan looga dejiyey Caasimadda dalka Chad ee Niyaami (Niamey). Shabakadda Wararka ee Alwasad.ly ee dalka Libya ayaa qortay in Tahriibayaasha la dhoofiyey kala ahaayeen 83 haween, […]

- Advertisement -

Hay’adda ka-hortagga Muhaajiriinta Sharci-darradda ugu nool dalka Libya ayaa shaacisay inay 106 Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Eritrea iyo Ethiopia laga soo tarxiilay dalkaasi, kuwaasi oo Transit ahaan looga dejiyey Caasimadda dalka Chad ee Niyaami (Niamey).

Shabakadda Wararka ee Alwasad.ly ee dalka Libya ayaa qortay in Tahriibayaasha la dhoofiyey kala ahaayeen 83 haween, 14 carruur iyo 7 rag ah,

- Advertisement -

Sidoo kale, Hay’adda ka-hortagga Muhaajiriinta Sharci-darradda ugu nool dalka Libya waxay bartooda rasmiga ee  Facebook ku sheegeen in Muhaajiriintaasi maalinti Talaadada ee isbuucan ka ambabaxeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Maitika International Airport oo ku yaalla magaalladda Tripoli, kana degeen Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Chad ee Niamey,

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Felipe Grandi iyo Madaxa Xafiiska Kontoroolka Socdaalka ee magaalladda Tripoli, C/naasir Axsaam ayaa goobjoog ku ahaa Garoonka laga dhoofiyey Muhaajiriintaasi.

- Advertisement -

Filippo Grandi, oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo lagu qabtay magaalladda Tripoli ayaa sheegay inaan Xiisadda Muhaajiriinta lagu xalin Karin hal meel, wuxuuna ugu baaqay inay iskaashi yeeshaan dalalka ay asal ahaan Muhaajiriinta ka soo jeedaan iyo in la taageerp dhamaan dalalka ay Transit-ka ku yihiin Muhaajiriinta, gaar ahaan dalalka Libya iyo Nayjar.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories