HomeCaalamkaMadaxweyne Farmaajo oo Maanta ku wajahan Magalada Addis-ababa

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ku wajahan Magalada Addis-ababa

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somalis Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Maanta waxa uu ku wajahan yahay Magaaladda Addis-ababa si uu uga qeybgalo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan. Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Maanta waxa uu ku wajahan yahay Magaaladda Addis-ababa si uu uga qeybgalo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah

- Advertisement -

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyey in Madaxweynaha Soomaaliya uu  ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.

Latest stories