HomeCaalamkaDowladda Iiraan oo shuruudo ku xirtay hagaajinta xiriirka Maraykanka

Dowladda Iiraan oo shuruudo ku xirtay hagaajinta xiriirka Maraykanka

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maxamed Javed Zariif ayaa soo bandhigay Liiska 15 Shuruud oo ay ku xireen, si loo hagaajiyo Xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka. Wasiirka oo shalay Websaytka Wasaaradiisa ku soo qoray Maqaal uu ugu magac daray Siyaasadda Dibedda ee Maraykanka oo bartanka kaga jirta Qalalaase  “US Foreign Policy in Crisis”  wuxuuna ku […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maxamed Javed Zariif ayaa soo bandhigay Liiska 15 Shuruud oo ay ku xireen, si loo hagaajiyo Xiriirka ay la leeyihiin Maraykanka.

Wasiirka oo shalay Websaytka Wasaaradiisa ku soo qoray Maqaal uu ugu magac daray Siyaasadda Dibedda ee Maraykanka oo bartanka kaga jirta Qalalaase  “US Foreign Policy in Crisis”  wuxuuna ku soo bandhigay Shuruudaha ay doonayaan inay Dowladda Maraykanka fuliyaan.

- Advertisement -

Qoddobadda ugu muhiimsan ee uu soo bandhigay waxaa ka mid ah:

  • Inay Mraaykanka ku soo laabtaan Heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee la saxiixay sannadkii 2015-kii,
  • Inay Maraykanka joojiyaan Hubka ay siiyaan waxa uu ugu yeeray Xooggaga qabsaday dalka Yemen oo uu ugala jeedo Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ee dagaalka kula jira Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.
  • Inay Maraykanka joojiyaan diidmadeeda ku aadan in Yuhuudda lagu sameeyo Hub-ka-dhigista Nukliyeerka (The Nuclear disarmament of Israel).

Shuruudaha uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan soo bandhigay ayaa u muuqata inay jawaab-celin u tahay Codsiyadii uu dhigiisa dalka Maraykanka, Mike Pompeo oo ku baaqay inay Dowladda Iiraan isbedel ku samayso Awoodda Milliteriga Iiraan iyo Siyaasad-gobaleedka ay ku farageliyaan dalalka Mandiqadda.

 

- Advertisement -

Mike Pompeo waxa uu ku goodiyey inay Iiraan ku soo rogi doonaan Cunaqabatayntii ugu xoogganayd Taariikhda Caalamka

Si kastaba ha ahaatee, Xiisadda kacsan ee Iiraan iyo Maraykanka ayaa gaartay Figtii ugu sarreysay, kadib, markii ay Dowladda Maraykanka bilowgii bishan ku dhawaaqeen inay isaga baxeen Heshiiskii Calaamiga ee Quwadaha waa weyn ee Caalamka iyo Iiraan kala saxiixdeen sannadkii 2015-kii.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories