HomeCaalamkaDowladda Algeria oo si KMG ah u jartay Khadka Internerka.

Dowladda Algeria oo si KMG ah u jartay Khadka Internerka.

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Dowladda Algeria ayaa ku dhawaaqday inay hawada ka saareen dhamaan Adeegyadii Internetka ee guud ahaan dalkaasi,  muddada ay socdaan  Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare ee dalkaasi. Wasiirka Tacliinta ee dalkaasi, Nuuriya Benqabrit waxay u sheegtay Wargeyska Anhaar ee ka soo baxa dalkaasi in muddada ay socdaan Imtixaanaadka in la xayirayo Barta Facebook guud ahaan dalka […]

- Advertisement -

Dowladda Algeria ayaa ku dhawaaqday inay hawada ka saareen dhamaan Adeegyadii Internetka ee guud ahaan dalkaasi,  muddada ay socdaan  Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare ee dalkaasi.

Wasiirka Tacliinta ee dalkaasi, Nuuriya Benqabrit waxay u sheegtay Wargeyska Anhaar ee ka soo baxa dalkaasi in muddada ay socdaan Imtixaanaadka in la xayirayo Barta Facebook guud ahaan dalka Algeria.

- Advertisement -

Waxay intaasi ku dartay in dhamaan Qalabka Elektoroonikadda ee  Adeegyadda kale ee ku shaqeeya Internet-ka ee ay Ardayda iyo Shaqaalaha Dugsiyadda kaga mamnuuci doono dhamaan 2,000 ee Xarumood ee Imtixaanaadka lagu qaadi doono.

- Advertisement -

Wxsiiradda Tacliinta ee dalka Algeria waxay  kaloo hoosta ka xariiqday in qalabka lagu baaro Biraha la dhigayo albaabadda laga soo galo Xarumaha Imtixaanaadka, isla markaana Kaamerooyinka Qarsoon ee CCRV iyo qalabka tashwiishka ku fura Mobayladda la dhigi doona Xarumahaasi, si loogala socdo dhaqdhaqaaqa Qishka ee Ardayda..

In ka badan 700,000 oo Arday ayaa waxa shalay u bilowday Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyadda sare ee dalka Algeria, kaasi oo socn doona ilaa  bishan June  25-da u June.

Natiijadda Imtixaanaadkaasi waxaa la filayaain lagu dhawaaqo bisha soo socota ee July 22-da.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories