HomeCaalamkaDowlada Kenya oo loogu baaqay inay qaxootiga siiyaan Xorriyad ay ku ganacsadaan

Dowlada Kenya oo loogu baaqay inay qaxootiga siiyaan Xorriyad ay ku ganacsadaan

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ergayga Gaarka ee Hay’adda UNHCR ugu qaabilsan Xaalladda Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inay QM ka codsanayso Dowladda Kenya inay Qaxootiga siiyaan Xorriyadda ay ku dhaqdhaaqaan si ay Ganacsi uga dhex sameeyaan dalkaasi Isagoo ka hadlayey Munaasabadda Maalinta Qaxootiga Adduunka oo shalay lagu qabtay Nairobi, waxa uu tilmaamay iny Xorriyaddaas xoojin doonto […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Hay’adda UNHCR ugu qaabilsan Xaalladda Qaxootiga Soomaalida, Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inay QM ka codsanayso Dowladda Kenya inay Qaxootiga siiyaan Xorriyadda ay ku dhaqdhaaqaan si ay Ganacsi uga dhex sameeyaan dalkaasi

Isagoo ka hadlayey Munaasabadda Maalinta Qaxootiga Adduunka oo shalay lagu qabtay Nairobi, waxa uu tilmaamay iny Xorriyaddaas xoojin doonto Awoodda shaqo ee Qaxootiga Magangelyo-doonka ah, kana macaashi karaan haddii loo ballan qaado Xorriyadaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR waxay shaacisay Tirada Guud ee Qaxootiga Soomaalida ee ku sugnaa Xeradda Dhadhaab ee dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.

Tiro-koobka waxaa lagu muujiyey inay  ugu yaraan 254,811 Qaxooti ah si iskooda ah ugu soo laabteen Somalia tan iyo sannadkii 2013-kii.

Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga iskooda ugu soo laabanayo Somalia waxaa la bilaabay, kadib, markii ay Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR kala saxiixdeen Heshiis saddex geesood ah sannadkii 2013-kii.

Latest stories