HomeMaqalDhageyso:-Jubbaland oo sheegtay in Ciidamada huwanta ay bilaabayaan howlgal qorsheysan

Dhageyso:-Jubbaland oo sheegtay in Ciidamada huwanta ay bilaabayaan howlgal qorsheysan

Date:

Related stories

5 Waxyaabood Oo Raggu Si Qarsoodi Ah Uga Filayaan Xaasaskooda

Xiriirka guurka waxaa xoojiya waxyaabo yaryar oo mararka qaar aan si toos ah loo sheegin. Halkan ka ogow 5 arrimood oo rag badan ay jecel yihiin inay ka helaan xaasaskooda.

Doon Qorrax Ku Shaqaysa Oo 3,106 Mayl Safartay

Safare Finnish ah ayaa dhammeystay safar badeed oo 3,106 mayl ah, isagoo adeegsanaya doon uu isagu dhisay oo ku shaqaysa tamarta qorraxda oo keliya, iyadoo aan loo adeegsan shidaal dhaqameed.

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 12/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 10/12/2024

Dhageystayaasheena Radio Dalsan ee ku xiran Webkeena www.radiodalsan.com waxaan...

Qodobkii ugu weynaa ayuu ahaa shirkii amniga Jubbaland ee labadaii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Magalada Kismaayo kaas oo laga soo saaray in siwadjir ah loo fuliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland,kuwa dowladda,iyaga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ay […]

- Advertisement -

Qodobkii ugu weynaa ayuu ahaa shirkii amniga Jubbaland ee labadaii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Magalada Kismaayo kaas oo laga soo saaray in siwadjir ah loo fuliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland,kuwa dowladda,iyaga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ay qorsheeyeen in ay Al-Shabaab kala wareegaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ee gobolada Jubbooyinka.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in muhiimada koowaad ee kulankaas oo ahaa in aan marnaba la aqbalin in ciidamada ay Xarun fariisin ka dhigtaan mudo sanado kadibna ay dib ugu laabtaan balse ay horay u sii socon doonaan.

Deegaanada gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa haatan laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan,iyada oo ay wadaan Ciidamada Jubbaland,kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOm,waxana Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ay sheegeen in howlgal ay sameeyeen ay kula wareegeen deegaano ay maamulayeen Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Latest stories