HomeCaalamka5 Xildhibaan oo Dowladda Kenya ugu baaqay inay Ciiddamo dheeraad ah geeyso...

5 Xildhibaan oo Dowladda Kenya ugu baaqay inay Ciiddamo dheeraad ah geeyso Xuduudka Somalia

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

5 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, kana soo jeeda W/bari ee dalkaasi ayaa ugu baaqay Dowladda inay ciiddamo xoojin ah u soo daabulaan Xuduudka Somalia, si ay uga hor tagaan weeraradda Alshabaab. Baaqaasi waxaa soo jeediyey Xildhibaanadda kala ah  Aadan Keynan, Rashiid Amiin, Maxamed Cumar, Amed Kolosh iyo Senator Farhiya Xaaji oo Shir Jaraa’id […]

- Advertisement -

5 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, kana soo jeeda W/bari ee dalkaasi ayaa ugu baaqay Dowladda inay ciiddamo xoojin ah u soo daabulaan Xuduudka Somalia, si ay uga hor tagaan weeraradda Alshabaab.

Baaqaasi waxaa soo jeediyey Xildhibaanadda kala ah  Aadan Keynan, Rashiid Amiin, Maxamed Cumar, Amed Kolosh iyo Senator Farhiya Xaaji oo Shir Jaraa’id ku qabtay Dhismaha Barlamaanka Kenya ee Nairobi.

- Advertisement -

Adan Kaynaan waxa uu sheegay inay Hay’addaha Ammaanka Kenya shaqo wanaagsan ka qabteen gudaha Somalia, oo ay kula dagaalamaan Alshabaab, wuxuuna intaasi ku daray inaysan oggolaan doonin inay Alshabaab dhibaatooyin ka geystaan gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Hoggaamiyayaasha W/bari Kenya dhamaantooda taageersan yihiin dadaalka Dowladda kula dagaalamayso waxa uu ugu yeeray Dembiilayaasha.

Dhinaca kale, Senator Farhiya Xaaji oo ka tirsan Aqalka Senedka ee dalkaasi waxay sheegtay ina la ciqaabi doono qof kasta oo la shaqeeya Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay, waxayna dadka Reer W/bari ugu baaqday inay Saraakiisha Ammaanka la wadaagaan Warbixinadda.

- Advertisement -

Qeylo-dhaanta Xildhibaanadaasi ka tirsan Barlamaanka Kenya waxay ku soo beegantay iyadoo maalintii Axadda ere la soo dhaafay 8 Askari  oo Kenyan ah lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Deegaanka Bojigaras oo ka tirsan Degmadda Wajeer ee W/bari ee dalkaasi.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Qaraxaasi, isla markaana ay Askartaasi la dilay ka soo furteen 8 Qoryaha Fudud iyo ugu yaraan 540 xabbadood.

Muuqaal ay Alshabaab baahiyeen habeenkii Isniinta waxay ku sheegeen inay in ka badan 10 Askar Kenyan ah ku dileen Qaraxaasi, kuna dhaawaceem 23-kale.

Latest stories