HomeCaalamkaKenya oo shaacisay Xilliga ay Maxkamadda ICJ u gudbinayaan Jawaabtooda Muranka Badda...

Kenya oo shaacisay Xilliga ay Maxkamadda ICJ u gudbinayaan Jawaabtooda Muranka Badda ee Somalia.

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Iyadoo ay DFS bishan June 18-dii u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee ICC gal-dacwadeed ku adaan Caddaymaha Lahaanshaha xuduud-baddeedka ay ku murunsan yihiin Somalia iyo Kenya ayey Dowladda Kenya shaacisay inay iyagana Maxkamadda ICJ u gudbin doonaan Qoraal cusub. Labada Dowladood waxay Gal-dacwadeedyo ka furteen Maxkamadda ICJ oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Hague ee dalka […]

- Advertisement -

Iyadoo ay DFS bishan June 18-dii u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee ICC gal-dacwadeed ku adaan Caddaymaha Lahaanshaha xuduud-baddeedka ay ku murunsan yihiin Somalia iyo Kenya ayey Dowladda Kenya shaacisay inay iyagana Maxkamadda ICJ u gudbin doonaan Qoraal cusub.

Labada Dowladood waxay Gal-dacwadeedyo ka furteen Maxkamadda ICJ oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Hague ee dalka Holland , si ay go’aan uga gaarto Muranka Xuduud-baddeedka  saddex geesoodka ee la isku haysta oo  dhererkiisu dhan yahay 100,000 oo mitir oo isku wareeg ah, isla markaana hodan ku ah Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga.

- Advertisement -

Murankaasi oo soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii Xuduud-baddeedkaasi ayaa la sheegay inuu ku jiraan

Dowladda Kenya waxay doonaysaa in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Somalia la leeyihiin, halka DFS doonayso in lagu saleeyo Xuduudka saxda ee dhinaca Koonfureed ee Badda ee ay Kenya la wadaagaan.

- Advertisement -

DFS waxay horey u sheegtay inay sharci-darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Bishii Feberaayo ee sannadkii hore, Kenya waxay ku guul-daraysatay Wareegii 1-aad ee Kiiskaasi oo ay ku doonayeen inay Maxkamadda ICJ ku joojiso dhegeysiga buuxa ee Dacwadaasi.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa maxkamadda ka hor sheegay in murankaasi lagu xalin karo oo keliya qoddobadda kala ah:

  1. In la raaco Heshiiskii Is-afgaradka oo ay Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii ama
  2. In dacwadda Murankaasi lagu saleeyo Heshiiska Caalamiga ee QM ee laguxadaynta Baddaha, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ergadda Sharciga ee DFS waxay gaashaanka ku dhufteen Arrintaasi, iyagoo sheegay inuu murankaasi soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii, hal sanno kadib, markii ay Kenya xorriyadda heshay bishii December ee sannadkii 1963-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay ku dhawaaqday inay Qoraal cusub u gudbin doonaan Maxkamadda  ICJ bisha December 18-da ee sannadkan 2018-ka, inkastoo ay muuqato inaysan  kalsooni weyn ku qabin inay ku guuleystaan Dacwadda Muiranka Badda ee Somalia kala dhexeyso.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories