HomeCaalamkaXOG:-Madaxweyne Farmaajo oo Addis-Ababa uga qeyb galaya Shir aan caadi aheyn

XOG:-Madaxweyne Farmaajo oo Addis-Ababa uga qeyb galaya Shir aan caadi aheyn

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-ababa uga qeybgalaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan. Warar ay Radio Dalsan ka heshay ilo lagu kalsoon yahay  ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-ababa uga qeybgalaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Warar ay Radio Dalsan ka heshay ilo lagu kalsoon yahay  ayaa sheegaya in casuumaaddii shirka ay soo gaartay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ay gaaraan Addis-ababa 21 bishaan.

- Advertisement -

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyey in Madaxweynaha Soomaaliyauu  ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.

Latest stories