HomeCaalamkaSawirro:-Muwaadin Soomaali ku eedeysnaa afduubka Saxafiyad oo la xukumay

Sawirro:-Muwaadin Soomaali ku eedeysnaa afduubka Saxafiyad oo la xukumay

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maxkamad ku taalla dalka Kanada waxay shalay Xukun ku riday Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, kaasi oo loo haystay doorkii uu ka qaatay Saxafiyad u dhalatay dalkaasi oo duleedka Muqdisho lagu afduubtay muddo haatan laga joogo 10-sanno. Garsoore Robert Smith oo ka tirsan Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaasi ee OTTAWA waxa […]

- Advertisement -

Maxkamad ku taalla dalka Kanada waxay shalay Xukun ku riday Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, kaasi oo loo haystay doorkii uu ka qaatay Saxafiyad u dhalatay dalkaasi oo duleedka Muqdisho lagu afduubtay muddo haatan laga joogo 10-sanno.

Garsoore Robert Smith oo ka tirsan Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaasi ee OTTAWA waxa uu ku dhawaaqay in Eedeysanaha lagu xukumay Xabsi 15-sanno ah iyo inuu Xukunkaasi farriin u tahay dadka kale ee Ganacsiga ka dhigta falalka Afduubka, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Cali Cumar Adeer oo 40-jir ayaa la sheegay inuusan wax hadal hadal-celin jeedin, kadib, markii lagu dhawaaqay Xukunkiisa.

Xukunkaasi ayaa yimid, 10-sanno kadib, markii ay dabley hubeysan duleedka Muqdisho ku afduubteen Saxafiyad u dhalatay dalka Kanada oo lagu magacaabo Amanda Lindhout iyo Sawir-qaade u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nigel Brennan.

Suxufiyiintaasi oo muddo 15 bilood afduub loo haystay waxaa la sii daayey bishii November ee sannadkii 2009-kii, kadib, markii la bixiyey lacag madax furasho ah oo dhamayd 1.2 million ee Dollarka Kanada oo u dhiganta 2 million oo Dollarka Maraykanka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Eedeysane Cali Cumar Adeer waxaa sannadkii 2015-kii lagu xiray Kanada, kadib, markii ay Ciiddan dhar cad la galeen Heshiis ay ku sheegeen inuu ku qoray Buug ka hadlay Afduubka Suxufiyiintaasi, balse waxaa isaga lagu soo oogay Eedeynta uu  ku muteystay Xabsi 15-sanno ah.

Latest stories