HomeCaalamka(SAWIRO) Dad lagu dilay Toogasho ka dhacday magaalladda Malmo ee Sweden.

(SAWIRO) Dad lagu dilay Toogasho ka dhacday magaalladda Malmo ee Sweden.

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Toogasho ayaa waxay saqdii xalay ka dhacday Bartamaha magaalladda Malmo oo ah magaalladda 3-aad ee ugu weyn dalkaasi, isla markaana ku taalla Koonfurta dalka Sweden, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi. Shabakadda Wararka ee thelocal.se ayaa qortay in 2 qof la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Toogashadaasi, iyadoo ay Boliska sheegeen inuusan falkaasi ahayn mid Argagixiso. […]

- Advertisement -

Toogasho ayaa waxay saqdii xalay ka dhacday Bartamaha magaalladda Malmo oo ah magaalladda 3-aad ee ugu weyn dalkaasi, isla markaana ku taalla Koonfurta dalka Sweden, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi.

Shabakadda Wararka ee thelocal.se ayaa qortay in 2 qof la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Toogashadaasi, iyadoo ay Boliska sheegeen inuusan falkaasi ahayn mid Argagixiso.

- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Malmo ayaa lagu sheegay in wiil 18-jir ah iyo nin 29 jir ah ku geeriyoodeen Isbitaalka, halka 4 kalena laga daaweeyey dhaawacyadii ka soo gaaray Toogashadaasi.

War haatan soo dhacay ayaa sheegay in nin 3-aad oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay, oo da’da 30-aadka ku jiray waxa uu ku geeriyootay isbitaalka.

- Advertisement -

Wargeyska maalinlaha ee Aftonbladet ee ka soo baxa dalkaasi waxa uu qoray in Dhibanayaasha la weeraray, xilli ay ka soo baxeen goob Inter café ah oo ku taalla Xaafadda Drottninggatan ee bartamaha magaalladda Malmo.

Warbaahinta Swedish waxay kaloo qoreen in Kooxda la weeraray ay Ciyaaraha Koobka Adduunka ku daawanayeen Inter Café, xilligii ay Toogashadda bilaabantay. .

Wargeyska kale ee Sydsvenskan waxa uu qoray in 3 ka mid ah dadka lagu dhaawacay Toogashadaasi ay ku yaallaan dhaawacyo aad u halis ah.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay ka gaabsadeen inay shaaciyaan kooxihii toogashada geystay iyo Dhibanayaasha, inakstoo warar sheegayaan inay Boliska aad u yaqaanaan qaar ka mid ah dadkaasi.

Boliska weli ma aysan shaacinin haddii dadka la dilay ku jiraan dadka shisheeyaha ee ku nool dalka Sweden.

Ma kala cadda inay Toogashadaasi xiriir la leedahay Ciyaartii Koobka Adduunka ee ay Xulka Sweden ay 1-0 kaga badiyeen Xulka Koonfurta Kuurya

Sidoo kale, ma kala cadda inay toogashadaasi raad ku leedahay Dagaalka Kooxaha Gangestaradda iyo kuwa iibiya Daroogadda oo la sheegay inay aad ugu soo kordheen magaallooyinka Malmo, Stockholm and Gothenburg

Halkan ka daawo Muuqaalka Toogashadda ka dhacday Malmo.

https://youtu.be/P-A5mL-NMq8

WQ: Ustaad Nuradin

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories