HomeCaalamkaIsbahaysiga Sacuudiga oo gudaha u galay Garoonka Diyaaradaha ee Xudeyda

Isbahaysiga Sacuudiga oo gudaha u galay Garoonka Diyaaradaha ee Xudeyda

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ciiddanka ay Sacuudiga iyo Imaaraadka taakuleeyaan ayaa lagu so owaramay inay saakayto gudaha u galeen Dhismaha Garoonkaasi oo ku dhex yaalla Dekedda weyn ee magaalladdaasi oo ku taalla Galbeedka Yemen. Ilo Milliteri iyo dadka Deegaanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Ciiddanka Isbahaysiga u itaal sheegeen Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee difaacayey Garoonka. Qabsashadda Garoonkaasi waxay […]

- Advertisement -

Ciiddanka ay Sacuudiga iyo Imaaraadka taakuleeyaan ayaa lagu so owaramay inay saakayto gudaha u galeen Dhismaha Garoonkaasi oo ku dhex yaalla Dekedda weyn ee magaalladdaasi oo ku taalla Galbeedka Yemen.

Ilo Milliteri iyo dadka Deegaanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay Ciiddanka Isbahaysiga u itaal sheegeen Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee difaacayey Garoonka.

- Advertisement -

Qabsashadda Garoonkaasi waxay faa’ido muhiim leh u tahay Ciiddanka Isbahaysiga oo iyagu horey u sheegay inay qabsan doonaan Dekedda iyo Garoonka Xudeydah, oo ay maamuli jiren Maleshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.

Isbahaysigaasi oo ay dalalak Reer Galbeedka taageeraan waxay 7 maalmood ka hor qaadeen Hawlgalka ay Kooxda Xuutiyiinta kala wareegeen magaalladda Xudeydah oo ah magaalladda 4-aad ee ugu weyn dalka Yemen, waxayna kaabiga ku haysa Badda Cas.

Afhayeenka Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga, Kolonel Turki Al-maaliki waxa uu tilmaamay in xoreynta nagaalladda Xudeydah iyo Dekadeeda tahay Xuquuqda Dowladda Yemen oo asaas u ah Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa 2216.

- Advertisement -

Ugu dambeyntii, Isbahaysiga Sacuudiga waxay xaqiijiyeen inay Maraakiibta iyo Diyaaradaha wada shixnadaha Samafalka u fasixi doonaan inay Kaalmooyinka soo gaarsiiyaan dadka ku tabaalaysan gudaha iyo daafaha Xudeydah.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories