HomeCaalamkaGanacsato Somali-Kenyan lagu qabtay Kontorobaan oo damiin lacageed lagu sii daayey

Ganacsato Somali-Kenyan lagu qabtay Kontorobaan oo damiin lacageed lagu sii daayey

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi ayaa sheegtay in dhegeysiga Kiiska Ganacsatadaasi dib loo dhigay ilaa bisha September 3-da ee sannadkan 2018-ka. Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Daahir Axmed Xasan, Maxamed Daahir Ahmed iyo  Axmed Shiikh Maxamed ayaa shalay la hor geeyey Maxkamadda, iyadoo lagu soo oogay inay iibinayeen Sonkor iyo Saliid Kontorobaan ahaa oo lagu […]

- Advertisement -

Maxkamad ku taalla magaalladda Nairobi ayaa sheegtay in dhegeysiga Kiiska Ganacsatadaasi dib loo dhigay ilaa bisha September 3-da ee sannadkan 2018-ka.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo

- Advertisement -

Daahir Axmed Xasan, Maxamed Daahir Ahmed iyo  Axmed Shiikh Maxamed ayaa shalay la hor geeyey Maxkamadda, iyadoo lagu soo oogay inay iibinayeen Sonkor iyo Saliid Kontorobaan ahaa oo lagu qiimeeyey Malaayiin Shillinka Kenya.

Garsooraha Maxkamadda oo lagu magacaabo Martha Mutuku waxay Dacwad-oogayaasha ka dhegeysatay Kiisaska loo haysto Ganacsatadaasi oo isugu jiray inay iibinayeen Sonkor Kontorobaan ah, inay si aan sharci ahayn u adeegsadeen Astaanta Tayada Badeecadaha iyo inay Sonkorta dib ugu cabeeyeen Loorarka asal ahaan lagu keeno Sonkorta Cad.

3-da Ganacsato waxay codsadeen in Damiin lagu sii daayo, inta ay Maxkamaddu mar kale dhegeysan doonto Kiiskooda, iyadoo Garsooraha Maxkamadda oggolaatay in Eedeysanayaasha midkiiba lagu sii daayo damiin lacageed oo dhan 300,000 oo Shillinka Kenya, inta laga gaarayo bisha September 3-da eesannadkan o odib Dacwadooda loo dhegeysan doono.

- Advertisement -

Waxaa kaloo Ganacsatadaasi la sheegay inay bixin doonaan Lacag dhan  2 million oo Shillinka Kenya, haddii ay ku guul-daraystaan inay bixiyaan Lacagaha Damiinta ee lagu si idaayey.\

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories