HomeCaalamkaXaaska Madaxweyne Donald Trump oo ka hor timid Aragtidiisa Siyaasadeed

Xaaska Madaxweyne Donald Trump oo ka hor timid Aragtidiisa Siyaasadeed

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Melania Trump oo ah Marwadda 1-aad ee Maraykanka waxay sheegtay inay karaahsatay inay aragto carruur ay Qoysaskooda ku kala qeybsameen xuduudka Maraykanka. 1,995 carruur ah ayaa ku xayiran xuduudka, kuwaasi oo ay kala go’doomeen 1,840 dad waa weyn, kuwaasi oo 6-dii isbuuc ee la soo dhaafay ku xayirnaa Xuduudka. Madaxweyne Donald Trump amar ku bixiyey […]

- Advertisement -

Melania Trump oo ah Marwadda 1-aad ee Maraykanka waxay sheegtay inay karaahsatay inay aragto carruur ay Qoysaskooda ku kala qeybsameen xuduudka Maraykanka.

1,995 carruur ah ayaa ku xayiran xuduudka, kuwaasi oo ay kala go’doomeen 1,840 dad waa weyn, kuwaasi oo 6-dii isbuuc ee la soo dhaafay ku xayirnaa Xuduudka.

- Advertisement -

Madaxweyne Donald Trump amar ku bixiyey in la adkeeyo Muhaajiriinta sida sharci-darradda kaga soo gudba Xuduudka Meksiko.

Siyaasiyiinta iyo Kooxaha u dodoa Xuquuqda Aadanaha waxay ka hor yimaadeen Tallabadaasi, kuna tilmaameen mid xad-gudub u ah Sharuucda Socdaalka ee Caalamka.

Xaaska Madaxweyne Trump oo aan muddo bil ah ka soo muuqanin Fagaarayaasha waxay ka hortimid Aragtidiisa, waxayna sheegay inay dhibaato tahay in la daawado carruurta iyo waalidka la kala qoqobay.

- Advertisement -

Afhayeenadeeda oo lagu magacaabo , Stephanie Grisham waxay sheegtay inay Melania Trump dhibsatay  inay aragto carruurta oo laga reebay Qoysaskooda

Waxay sheegtay inuu Maraykanka noqonayo dal laga xukumo Wadnaha, waxayna ku talisay in loo baahan yahay inay labada dhinac inay si wadajir ah uga wada hadlaan sidii loogu guuleysan lahaa Isbedel lagu sameeyo Sharciga Socdaalka.

Sabtidii la soo dhaafay, Donald Trump waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Qoysaska ku kala xayiran xuduudka in lagu xalin karo inuu Xisbiga Dimuqraadiga kala shaqeeyo Xisbiga Jamhuuriga samaynta Sharciga Cusub.

Madaxweyne Trump waxa la filayaa inuu Saxaiibadiisa Xisbiga Jamhuuriga la kulmo maalinta Talaadada ee soo socota si ay uga wada xaajoodaan arrintaasi, iyadoo Madaxweynaha la filayo inuu saxiixo Sharcigaasi, sida laga so oxigtay Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda ay Xaaska Trump kaga hor timid go’aankiisa ayaa u muuqda mid geesinimo, maadaama ay codkeeda ku taageertay kuwa mucaaradsan Siyaasadda Maamulka Trump ee Siyaasadda Carruurta iyo Qoysaskooda lagu kala qeybinayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories