HomeCaalamkaRa’iisul Wasaare Khayre oo Gaaray Norway si uu uga qeyb galo Shirka...

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Gaaray Norway si uu uga qeyb galo Shirka Madasha Oslo

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmaya Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda Norway.

- Advertisement -

Shirkaan oo qorshuhu yahay in uu socdo 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories