HomeCaalamkaHaweeney Soomaali ku nool Denmark oo sheegtay inay ka badbaaday qorshe lagu...

Haweeney Soomaali ku nool Denmark oo sheegtay inay ka badbaaday qorshe lagu soo masaafurin lahaa.

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Saynab Iimaan Shiikhaalow oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Denmark ayaa shaacisay inay dhow jeer ka badbaaday qorshe ay Saraakiisha Socdaalka ee dalkaasi ku doonayeen inay iyada ugu soo tarxiilaan Somalia. Haweeneydaasi oo deggan magaalladda Vollsmose ee dalkaasi oo la hadashay Telefishinka TV 2  ayaa sheegtay inay dhowr jeer ka badbaaday in si qarsoodi ah loogu dhoofiyo Somalia, […]

- Advertisement -

Saynab Iimaan Shiikhaalow oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Denmark ayaa shaacisay inay dhow jeer ka badbaaday qorshe ay Saraakiisha Socdaalka ee dalkaasi ku doonayeen inay iyada ugu soo tarxiilaan Somalia.

Haweeneydaasi oo deggan magaalladda Vollsmose ee dalkaasi oo la hadashay Telefishinka TV 2  ayaa sheegtay inay dhowr jeer ka badbaaday in si qarsoodi ah loogu dhoofiyo Somalia, balse aan lagu guuleysanin, waa sida ay hadalka u dhigtay.

- Advertisement -

Haweeneydaasi waxay kaloo Wareysigeeda ku sheegtay inay ka walaacsan tahay in Wiilkeeda loo masaafuriyo Somalia.

Wiilkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed oo 24-jir ah waxaa la sheegay inuu ku xiran Xabsi ku yaalla Denmark, kadib, markii lagu helay inuu ka ganacsado Daroogada.

Bishii Feberaayo ee sannadkan ayaa la amray in Ninkaasi dib loogu celiyo Somalia, balse aa nweli la tarxiilin.

- Advertisement -

Warar aan weli la xaqiijinin ayaa sheegaya in la filayo in Ninkaasi loo soo masaafuriyo Somalia, inkastoo ay Hooyadiisa sheegtay inay noloshiisa khatar geli karto haddii dib loogu celiyo Somalia, waa sida ay hadalka u tiri.

Arrintan ayaa ku soo beegantay, iyada uu Wargeyska The Local.de qoray inay Dowladaha Denmark iyo Somalia kala saxiixdeen Heshiis qarsoodi ah oo dadka Soomaalida ee aan haysanin Degananaanshah Denmark dib loogu soo celinayo Somalia.

Wargeyska kale ee POLITIKEN waxa uu sannadkii hore qoray inay Dowladda Denmark la saxiixatay DFS hrshiis sannad kasta 12 qof oo Soomaali ah dib loogu soo celinayo Somalia.

Xildhibaanadda Xisbiyadda UNITY LIST iyo SOCIAL DEMOCRATS waxay qoraal u direen Haweeneyda Wsaiirka Arrimaha Socdaalka iyo Is-dhaxlgalka Bulshadda ee dalkaasi,  Inger Støjbergk ana codsadeen inaay faahfaahin ka bixiso Heshiiska Qarsodiga ee ay Dowladaha Denmark iyo Somalial kala saxiixdeen, waxayna ugu baaqeen inay iska casisho Xilka.

Wasiirada waxay ku gacan sayrtay inay faahfaahin ka bixiso Heshiiskaasi oo ay xustay inuu Qarsoodi yahay.

Xigasho: sputniknews.com

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories