HomeCaalamkaFalastiiniyiinta oo adeegsaday Aabiteey lagu xiray qaraxyo iyo Yuhuudda oo adeegsatay Diyaaradaha...

Falastiiniyiinta oo adeegsaday Aabiteey lagu xiray qaraxyo iyo Yuhuudda oo adeegsatay Diyaaradaha Dagaalka

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Waaberigii hore ee saakayto waxay Diyaaradaha Yuhuudda beegsadeen 9 bar-tilmaameed oo ay Dagaalamayaasha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Waqooyiga Marinka Qasa. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Askarta Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay Duqeyntaasi jawaab u ahayd weerar ay XAMAAS ka geysteen Koonfurta Yuhuudda. XAMAAS waxay adeegsadeen Abiteey (kites to carry petrol bomb) iyo Baloono […]

- Advertisement -

Waaberigii hore ee saakayto waxay Diyaaradaha Yuhuudda beegsadeen 9 bar-tilmaameed oo ay Dagaalamayaasha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Waqooyiga Marinka Qasa.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Askarta Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay Duqeyntaasi jawaab u ahayd weerar ay XAMAAS ka geysteen Koonfurta Yuhuudda.

- Advertisement -

XAMAAS waxay adeegsadeen Abiteey (kites to carry petrol bomb) iyo Baloono lagu xiray waxyaabaha qarxa iyo ololka dhaliya, kuwaasi oo aragagax ku abuuray dadka deggan Koonfurta Yuhuudda.

Wasiiro Yuhuudi ah ayaa ku baaqay in laga hortago xeelladda cusub ee a yXAMAAS adeegsadeenm halka Jeneral kale sheegay inay diyaarinayaan Drones  beegsan kara Abiteydadusha ee ay XAMAAS qaraxa ku soo xiraan.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay,  waxay Askarta Yuhuudda dileen ugu yaraan 125 Falastiiniyiin aan hubeysnayn, kuwaasi oo si joogto ah dibadbaxyo uga dhiga Deegaanadda Marinak Qasa ee u dhow Xuduudka Yuhuudda.

- Advertisement -

Dibadbaxayaasha waxay doonayaan inay dib ugu laabtaan Deegaanadooda oo ay Yuhuudda xoogga uga soo barakiciyeen sannadkii 1948-kii oo haatan laga joogo 70-sanno.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories